Hansi Flick oo daremayaa ka walwalsan xili ciyaareedka so socda

Waa Maxay cabsida Hansi Flick ee xilli ciyaareedka soo aadan?

Kadib xilli ciyaareed heer sare ah oo Hansi u dhowaa hanshada sadexleyda Tababaraha Jarmalka ah ayaa doonaya in kooxdiisa loo soo xoojiyo kadib saxeexa Goolhaye Joan Garcia oo buuxinaya Boos Barca ku banaana ku dhowaad 5 Sano sidoo kale Saxeexa Nico williams ayaa la sugaya in la dhameystiro Hadaba hadii saxeexayadaas la dhameystiro muxuu ka cabsanaya Flick?

Saxeexayada Joan garcia iyo Nico kor ayay u qadayaan awooda Barcelona %50 gaar ahaan saxeexa Goolhayaha oo farqi weyn u sameyn doona Laakin awooda Barcelona xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay maxay aheyd? Bandhigyada badanka ciyaartoyada oo aad iyo aad u fiicnaa ku dhowaad 8-9 ciyaariyahan ayaa overperfoming ahaa oo sidii la filayay aad uga fiicnaa, Waxa aan ka hadlaya Raphinha oo mar qudha isu badalay Super star sidoo kale Yamal oo ahaa Da,yar bilaa khibrad ah isuna badalay xidig Ballon do’r u tartamaya Hadana pedri oo la dhihi karo xilli ciyaareedkiiai ugu fiicnaa abid ayuu ahaa gaar ahaan markii ay dhaawacyadu ka fogaadeen.

Inigo martinez, Ferran Torres, Eric garcia, Cassado, Fermin lopez iyaguna waxay noqdeen ciyaartoyo lagu naxay isbadalada ku yimi iyo faaidada badan ee ay lahaayeen Hadaba cabsidu waxa weeye madaama Sare u kaca kooxduba ay ku xidhneyd ciyaartoyo la yimi Bandhigyo ka fiican sida caadiga ah maxaa balan qaadaya xilli ciyaareedka danbe in ay sidaa sameynayaan, marka laga reebo Pedri iyo yamal oo Quality leh inta kale overperfoming ayay ahaayeen cidna ma hubto in ay markale sameyn karaan.

Sidaas darteed ayuu Hansi flick usoo dhoweynaya dhamaan saxeexyada cusub xitaa hadii Rashford kusoo biirayo hadii ay heli karaN khad dhexe oo ay kooxda ku xoojin karaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *