Madaxweynaha Sporting Oo Sheegay Hadal an U Wanagsaneyn Arsenal Iyo United Kuna Sabsan Mustaqbalka Gyökeres

Madaxweynaha Sporting CP ayaa si cad u sheegay in kooxda aysan ku qasbaneyn inay iibiso Viktor Gyökeres, xilli dalabyo kala duwan uu helayo xiddiga. Inkasta oo ay jiraan xiiseyn badan oo ka imaneysa kooxo Premier League ah, gaar ahaan Arsenal, maamulka Sporting waxay si qoto dheer u muujiyeen mowqifkooda.
Hadalka madaxweynaha oo dhameystiran wuxuu u dhignaa sidan:
“Sporting aad bay uga war heysaa xaaladda Viktor Gyökeres. Ma nihin koox hadda u baahan inay iibiso xiddigeeda ugu fiican. Waqtigaas waan soo dhaafnay. Ma nihin kuwo ay khasab kutahay inay iska diraan Viktor, laakiin sidoo kale waxaan u aragnaa muhiim in aan tixgelinno riyadiisa.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday in aanu dalban doonin qiimaha buuxa ee lagu burburin karo qandaraaskiisa. Wuxuu sheegay iney si macquul ah uga fiirsanayaan waxqabadkiisii xilli ciyaareedkii tegay.
Haddii aad i weydiiso maanta, waxaan dhihi lahaa waxaa jirta suurtagalnimo xoog leh oo Viktor uu ku tagayo. Waxaan la socdaa suuqa. Waxaan arkay ciyaartoy sida Martin Zubimendi, oo lix bilood ka yar Viktor, oo Arsenal ugu wareegay €65 milyan.
Waxaan kaloo arkay ciyaartoy sida Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, kuwaasoo aan u arko inaysan Viktor la jaanqaadi karin, oo lagu iibiyay ku dhowaad €70 milyan — iyadoo ay 26 jir yihiin.
Marka haddii aad eegto waxa aan ka dalbaneyno Viktor, anigu waxaan rumeysanahay inuu tagi doono, haddii wakiilkiisa fiican yahay — taasoo aan shaki ka qabin.
Ma sheegi doono qiimaha saxda ah ee aan ku dooneyno, laakiin waxaan hubaa in Viktor uusan ku bixi doonin €60m+€10m. horey ayuu u ogaa taas. Waxaan rabaa taageerayaasha Sporting inay ka faa’iideystaan xagaagan guusha leh.
Waxaa jira laba xaaladood oo kaliya:
1. Hadii Hal koox ay ogolaato qiimaha ay Sporting dalbatay, markaas Viktor wuu bixi doonaa,
2. Hadii la waayo koox rabta Viktor, markaas wuu sii joogayaa, isagoo qandaraas saddex sano ah ku leh kooxda — annagana aad ayaan ugu farxi doonaa.”
Sporting waxay caddeysay in Gyökeres uu baxayo oo keliya haddii la ixtiraamo qiimahooda. Waxaa si gaar ah loo diiday qiime dhan €60m + €10m in uu yahay mid la aqbali karo. Marka koox kasta oo doonaysa Viktor — ay noqoto Arsenal, Chelsea, ama koox kale — waa inay diyaar u ahaadaan lacag ka badan €70m, had³dii kale wuxuu sii joogi doonaa Lisbon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *