Pogba Oo Ilmeyay kadib heshiska kooxdisa cusub…

Pogba ayaa is celin waayay markii uu saxiixayay qandaraaskiisa cusub.

Markii Paul Pogba uu naftiisa xakameyn karay oo uu ilmeeyay markii uu qandaraaska cusub u saxiixayay kooxdiisa cusub, ka dib markii uu dhawaanahan dhibaato iyo ganaax 18 bilood ah ka qaatay kubada cagta

Maxaa dhacay?
Monaco ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii sabtida inay si xor ah kula soo wareegtay 32 jirka reer France iyo heshiis laba sano ah
Koontada rasmiga ah ee kooxda reer France ayaa soo dhigtay muuqaal ay ku leedahay shabakada bulshada ee “X” Pogba oo qandaraasyada saxiixay. Waxa uu u muuqday mid qiiro leh oo is hayn kari waayay, isaga oo ilmaynaya.

Ciyaartii ugu dambeysay ee Pogba uu la ciyaaro Juventus waxa ay aheyd Sebtember 2023, markaasoo ay la ciyaareen Empoli, ka dib waxaa lagu helay danbi ah in uu ku lug lahaa doping, waxaana laga ganaaxay afar sano, taasoo markii dambe laga dhigay 18 bilood, taasoo ku ekeyd bishii March ee la soo dhaafay.
Kadib markii uu dhamaaday ganaaxii iyo ku soo laabashadiisa Juventus, xiddiga reer France ayaa go’aansaday in uu si wadajir ah u joojiyo heshiiskii uu kula jiray kooxda reer Italy. Waxaa lala xiriiriyay kooxo dhowr ah, gaar ahaan Inter Miami, dhowr kooxood oo Sacuudi ah, iyo Manchester United
Maamulka Monaco ayaa sii wada xoojinta safafkooda si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub, kaasoo ay kooxdu kaga qayb qaadan doonto Champions League. Ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta seddexaad ee horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkii hore, maamulka kooxda ayaa la filayaa inay dhameystiraan heshiiska ciyaaryahanka Barcelona Ansu Fati maalmaha soo socda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *