
Weeraryahanka Sporting CP ee Viktor Gyokeres ayaa si adag uga hadlay xaaladda suuqa kala iibsiga ee hareysay mustaqbalkiisa, isagoo hanjabaad u diray madaxweynaha kooxda, Frederico Varandas, kadib markii uu diiday in la iibiyo haddii aan la helin qiimaha ay kooxda ku dooneyso.
Warbaahinta Record ee dalka Portugal ayaa sheegtay in Gyokeres uu farriimo gaar ah u diray Varandas.Wuxuu Gyökeres ka dhawaajiyay in haddii uu sii wado sheegista waxa uu ku tilmaamay been abuur, uu si dadweyne ah uga hadli doono arrinta. Xiddigan ayaa hore loo siiyay fasax usbuuc ah ka hor billowga diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub, hase yeeshee haatan wuu diiday inuu kasoo qayb galo tababarrada kooxda ee ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Gyokeres oo dhaliyay 54 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa xiiso weyn ka helaya kooxaha Premier League sida Arsenal iyo Manchester United. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Varandas ayaa caddeeyay inaysan wax dalab ah aqbali doonin haddii aysan helin €80 milyan.
Wakiilka Gyokeres, Hasan Cetinkaya, ayaa hore ula galay Varandas heshiis “is af-garad” ah oo ogolaanaya in la iibiyo xiddiga haddii la keeno dalab €70 milyan — (€60m lacag go’an iyo €10m gunnooyin ah). Hadda, diidmada Varandas ee heshiiskaas ayaa aad uga cadheysiisay Gyokeres.
Inkasta oo qandaraaska Gyokeres uu soconayo illaa 2028, Varandas wuxuu sheegay:
“Sporting uma baahna inay iibiso Viktor, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan dhageysano riyooyinkiisa iyo kuwa ciyaartoydeena kale.”