
Hugo Ekitike ayaa sheegay in uu u rabo kaliya udhaqaaqista Liverpool si cad, sida lagu sheegay warbixin, sarkaal ka tirsan Eintracht Frankfurt ayaa daaha ka qaaday fursadaha weeraryahanku ugu wareegayo Anfield suuqa kala iibsiga xagaagan.
Liverpool ayaa si weyn u firfircoonayd suuqii xagaaga. Iyagoo aan ku nasan ka dib markii ay ku guuleysteen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, maamulaha Arne Slot iyo agaasimaha isboortiga Richard Hughes ayaa la soo saxiixday Florian Wirtz, Milos Kerkez, Jeremie Frimpong, Armin Pecsi iyo Freddie Woodman horaantii xagaagan, iyadoo Giorgi Mamardashvili uu sidoo kale qarka u saaran yahay inuu ku biiro.
Kooxda Merseyside ayaan wali ka dhamaan Suuqa, iyada oo Slot uudoonayo in ay xagaagan keenan weeraryahan cusub. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego Liverpool uma badna in ay wadahadal firfircoon la gasho bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga Kadib Dhacdadii kooxda ee jota
TEAMtalk ayaa muddo dheer ka warbixisay in weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak uu yahay bartilmaameedka Kowaad ee Slot Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Newcastle ay macquul tahay inay 150 milyan ginni ku dalbato Isak, Liverpool ayaa maanka ku haysa Xidigo kale. Mid ka mid ah waa Ekitike, kaas oo dib u soo nooleeyay Eintracht ka dib xaalad xun oo uu ku qaatay Paris Saint-Germain. 23-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ee reer France ayaa dhaliyay 26 gool, waxaana uu caawiyay 14 kale 64 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka.
Sida laga soo xigtay CaughtOffSide, Tababarah Liverpool Slot ayaa haatan Ekitike ka dhigay bartilmaameedka mudnaanta leh ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Waxaa jira xiiso uga imanaya weeraryahanka kooxaha England ka ciyaara Ee Arsenal, Manchester United iyo Chelsea, laakiin Liverpol ayaa la sheegay in ay ka dhigaysa Xidigan meesha ugu sareysa ee qorshahooda suuqa kala iibsiga.
Iyadoo sheegtay in Eintracht ay rabto €85-100 milyan (£ 73.3m, $100m – £ 86.3m, $117m) ee Ekitike, warbixinta ayaa xustay in ‘Ekitike ay ka warqabto in Liverpool laga yaabo inay u baahdaan inay iska iibiyaan ciyaartoy marka hore si ay u fududeeyaan Soo xero gelinta xidigan’ waxayna diyaar u yihiin inay sugaan Reds si ay boos ugu baneeyaan wadahadalka kooxda. CaughtOffSide ayaa intaa ku dartay in Darwin Nunez uu ka tagayo Liverpool xagaagan, iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay dooneyso inay ku darto xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay iyo garabka Talyaaniga Federico Chiesa heshiis ay isku dhaafsanayaan weeraryahanka Napoli Victor Osimhen. Nunez waqtigiisii Liverpool ilaa hadda wuxuu ahaa mid aad u liita, waxayna u muuqataa in Liverpool ay aaminsan tahay in Ekitike uu kor u qaadi doono Mustwaha kooxda ee dhanka werarka.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Jarmal lafteedu ma aysan Walwalin, iyadoo agaasimaha kubada cagta, Pirmin Schwegler, Oo uu si dagan uga hadlay. BuliNews ayaa soo xigtay Schwegler isagoo leh: “Xaaladdu aad bay u caddahay, ma jirto wax kale oo lagu daro. “Waxaan la shaqeyneynaa ciyaartoyda si aan u hubinno inay taam yihiin ka dib fasaxooda, sidaas darteed macno ma sameyneyso in hadda laga hadlo xanta suuqa kala iibsiga. “Waan ku faraxsanahay in kooxdayada xidigo xul ah ay meesha joogaan, laakiin sidoo kale waxaan ogahay in wax walba ay dhici karaan ilaa Sebtember 1.”