
Marcus Rashford oo dhoola cadeynaya ayaa la arkay intii lagu guda jiray tababarka Manchester United Aston Villa ayaa haysatay fursad ay kula saxiixato Marcus Rashford si joogto ah 40 milyan ginni Rashford ayaa qorsheynaya inuu ku laabto Manchester United si uu u bilaabo tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka Cusub Isniinta. 27 jirka reer England ayaa waxaa masaafuriyay tababare Ruben Amorim bishii December, waxaana uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka amaah ku qaatay Aston Villa. United, oo Rashford ku qiimeeysa 40 milyan ginni, ma aysan helin wax dalab ah. Amorim wuxuu yiri bishii Febraayo “ma heli karin Marcus inuu arko habka aad u malaynayso inaad u ciyaarto kubbadda cagta iyo inaad u tababarto sida aan u arko”. Ilaha ku dhow Rashford ayaa sheegay bishii Abriil inuusan u badneyn inuu mar kale ka hoos ciyaaro Amorim. Rashford ayaa sheegay bishii hore inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro weeraryahanka Lamine Yamal ee Barcelona. Tababarka United ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka ayaa bilaabmaya isniinta, ilo ku dhaw Rashford ayaa sheegay in aanu wax dhibaato ah ku qabin ku soo laabashada United. Ciyaarta saaxiibtinimo ee ugu horreysa ee kooxdu waxay la ciyaari doontaa Leeds 19ka Bishan magaalada Stockholm ka hor inta aysan u aadin Mareykanka ciyaaraha saaxiibtinimo ee taxanaha xagaaga ee Isku Diyaarinta Horyalka Premier League.
Rashford ayaa 20 sano ku qaatay United isaga oo u dhaliyay 138 gool 426 kulan oo uu ciyaaray. 17 kulan ayuu u saftay Villa, isagoo u dhaliyay afar gool, wuxuuna caawiyay lix gool Wexeyna u badantahy in uu xiri doono Tarikhda u taalay United ….