Arsenal Ayaa Si Rasmi Ah Ula Xiriirtay Xiddiga Garabka Ka Ciyaara Ee Madueke

Arsenal ayaa xiriir rasmi ah la sameysay Chelsea Si ay ugala xajooto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Noni Madueke. BBC Sport ayaa soo warisay in Gunners ay mar hore heshiis shaqsi ah la gaartay Madueke usbuucii hore ka hor wax kasta oo suurtagal ah, laakiin hadda waxay sameeyeen qaab rasmi ah. Waxaa la fahamsan yahay in Chelsea ay ku Qiimeyso xiddigeeda lacag dhan 50 milyan ginni 23 jirkaan heerka caalami ee dalka England. Madueke ayaa haatan qeyb ka ah kooxda Chelsea ee ka qeyb galaysa koobka kooxaha aduunka wuxuuna badal ku soo galay Kulan ki Kooxda ay ugu gudubtay finalka tartanka kooxaha aduunka kadib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda reer Brazil ee Fluminense. Laacibka ayaa 92 jeer u ciyaaray Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray PSV Eindhoven bishii Janaayo 2023 wuxuuna u dhaliyay 20 gool. Madueke waxa uu ku jiray akadeemiyadda Tottenham ka hor inta aanu afar sano iyo badh ku qaadan Netherlands. Arsenal ayaa isha ku haysa inay kordhiso doorkeeda weerarka iyadoo labada garab ee Real Madrid Rodrygo iyo weeraryahanka Crystal Palace Eberechi Eze ay Isha ku hayaan. Gunners-ka ayaa sidoo kale xoojisay dadaalka ay kula soo saxiixaneyso Warerayahanka halista badan ee Viktor Gyokeres, iyadoo agaasimaha isboortiga Arsenal Andrea Berta uu wadahadalo fool ka fool ah la yeeshay Kooxda Sporting ee ka dhisan Dalka Portugal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *