
Man Utd ayaa wadahadalo kula jirta Xidg lagu qiimeyo 52 milyan ginni ka dib markii Ruben Amorim uu OgoladayManchester United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Ederson Silva iyagoo doonaya inay 26 jirkaan ka dhigaan xiddigooda cusub ee khadka dhexe, inkastoo Red Devils ay tartan kala kulmi doonto laba kooxood oo Talyaani ah oo ku aadan heshiiska, sida lagu sheegay warbixin. Man Utd ayaa dhamaystirtay laba saxiix ilaa haatan xagaagan. Matheus Cunha ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku Kusoo biira Old Trafford Xagaagan, Isagoo United kaga soo biiray Wolverhampton Wanderers ka dib markii Ay bixiyeen united Aduun 62.5 milyan ginni (€72.5m / $85m).United ayaa sidoo kale ku soo iibsatay 18 jirka daafaca bidix ee Diego Leon aduun dhan £7m (€8m/$9.5m), heshiiskaas oo markii hore la isku afgartay bishii January. United ayaa wadahadalo kula jirta Brentford oo ku aadan Bryan Mbeumo iyaga oo doonaya in ay ka garab ciyaarsiyaan Cunha oo dheeli dona doorka No 10. Mbeumo ayaa aad u danaynaya in uu ku biiro United laakiin Brentford ayaa ku adkaysanaysa qiimahooda 65 milyan oo gini ah (€75m/$89m) ka hor inta ayna aqbalin in ay iska fasaxan XidigoodaUnited ayaa rajaynaysa in iibka ciyaartoydeeda sida Marcus Rashford, Antony iyo Jadon Sancho ay u ogolaan doonto inay ku soo biiraan tartanka Xiddiga khadka dhexe ee Ee Ederson marka Mbeumo uu ku soo biiro. Xiddiga Atalanta Ederson ayaa la fahamsan yahay inuu ku jiro radarkooda, isagoo sameeyay wacdaro weyn intii uu ku sugnaa Serie A. Sida laga soo xigtay Goal Brasil, United ayaa Xiddigan kula tartamaysa Inter Milan iyo Juventus Xagaagan.Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Ederson ayaa soo jiidanaya indhaha Manchester United, Inter Milan iyo Juventus ee suuqa kala iibsiga,’ ayaa lagu yiri warbixinta. ‘Saddexda kooxood ayaa wax ka waydiiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee suuqa kala iibsiga ee haatan waxana ay durba wadahadalo la fureen Wakiilada 26 jirka Reer Brazil.