
Paris Saint-Germain ayaa Real Madrid ku xasuuqday semi-finalka koobka kooxaha aduunka ee ka dhacay garoonka MetLife Stadium ee New York; Fabian Ruiz ayaa labo gool dhaliyay, halka Ousmane Dembele iyo Goncalo Ramos ay sidoo kale shabaqa soo taabteen; Kooxda Luis Enrique ayaa Axada wajihi doonta Chelsea finalka koobka kooxaha AduunkaKooxda Paris Saint-Germain ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay 4-0 ku xasuuqday Real Madrid si ay finalka koobka kooxaha aduunka ugu Gudubto Kulan Ay wajihi donaan Chelsea. Kaliya hal bil ayakasoo wareegtay markii ay 5-0 ku garaaceen Inter Milan finalkii Champions League, kooxda Luis Enrique ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed kale kaasoo fursad u siinaya inay xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadaan kale oo caalami ah garoonka MetLife Stadium ee New York Axadda.Marna wax shaki ah kama jirin in ay u soo bixi doonaan finalka ka dib markii ay si xamaasad leh u socdeen 18-kii daqiiqo ee ciyaarta qaybti hore ee ciyaarta oo ku bilaabatay Wareero halis aha oo ay la kulmeysay Kooxda Real Madrid Wxeyna sabatay taas in kubad Raul Asencio Qaladkeeda uu lahaa ay ka faideystaan PSG Goal na u badalaanSeddex daqiiqo ka dib, qalad kle oo ay galeen daafaca Real Madrid Gaar ahaan cabqariga reer Germany ee Antonio Rudiger ayaa u ogolaatay Dembele inuu kubad ka helo meel sahlan xaware sarane kula cararay waxaana uu si qabow ugu tuurat goolka uu ilaaliyaha kabaha Thibaut Courtois, isagoo dhaliyay goolka labaad ee Paris Saint-Germain. Real Madrid ayaa ku dhibtoonaysay Ciyaarta iyaga oo waliba ku sii Wareeray markii uu Ruiz ku daray goolkiisii labaad Ahaana goolkii Sadexaad Ee Paris Waxana kasoo Shaqeyay Ciyariyahnki Hore Real Madrid helay Achraf Hakimi ka dib markii uu si cajiib ah u baas ugu so dhigay Real Madrid oo Isku dayday ineey Gool latimaado aya badal kuso gelisay Luka Modric kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda laakiin Goncalo Ramos oo badal ku soo galay ayaa goolka afraad u sii raaciyay Wexeyna Kusoo Dhamaatay Ciyaarta 4-0 Oo lagu xasuuqay Madrid.AlonsoMuxu Muxuu Ka Yiri Ciyaarta Tababaraha kooxda Real Madrid ee Xabi Alonso ayaa ku booriyay ciyaartoydiisa inay casharro ka qaataan guul daradii cuslayd ee soo gaadhay, wuxuuna Macsameyn u diray Luka Modric oo baxay. “Waa hubaal inaan ogaanay in hawshu ay runtii adag tahay ayuu u sheegay DAZN. “Xilligan la joogo dareenku ma ahan kan ugu wanagsan laakiin waa inaan isku daynaa inaan wax ka barano maanta. “Waa koox laba sano soo dhiseysay Tayadeeda Ciyaareed Anagana waa inaan waqti qaadanaa laakiin waa inaan Wax Ka barana Midaan Ayuu Hadalkiisa Sii Rasciyay Alonso..