Arsenal ayaa ku dhow inay dhamaystirto heshiiska Gyokeres

Arsenal ayaa rajaynaysa in ay heshiis buuxa la gaadho Sporting 24ka saacadood ee soo socda si ay 73.5m euros (£63.5m) kula soo wareegto Viktor Gyokeres.

Ilo wareedyo lagu kalsonan karo ayaa u sheegay BBC Sport in heshiis labada dhinac ah laleysla meel dhiga oo ku Aadan weeraryahanka Sweden uu hadda jiro iyadoo tafaasiil yar ay harsan tahay in la xalliyo. Dhammaan dhinacyada ayaa ka shaqeynaya sidii saxiixa loo dhameyn lahaa waqtiga loogu talagalay Gyokeres inuu ugu safro Gunners-ka Aasiya safarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka dhamaadka usbuuca. Dalabka, oo ay ku jiraan waxyaabaha lagu daro, ayaa horumar ku ah soo jeedintii hore ee Arsenal oo ahayd 70m euros (£60m). Gyokeres, oo 27 jir ah, ayaa horey u ogolaaday heshiis shan sano ah.BBC Sport ayaa daaha ka qaaday bilawgii bishan sida Arsenal dareenkeeda ugu weecday Gyokeres ka dib markii ay ku fashilmeen isku day ay ku doonaysay Benjamin Sesko oo ka tirsan RB Leipzig. Agaasimaha ciyaaraha ee Gunners Andrea Berta ayaa u duulay Lisbon dhamaadkii todobaadkii hore si uu u hogaamiyo wada xaajoodyada Sporting iyo Arsenal Toddobaadkan, madaxweynaha Sporting Frederico Varandas ayaa sheegay in Gyokeres uu wajahayo ciqaab ka dib markii uu ku ka madax adeygay inuu soo xaadiro tababarka xilli ciyaareedka ka hor.Gyokeres, oo dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, ayaan wali si cad u sharaxin sababta uu u soo xaadiri waayay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Varandas ayaa u sheegay wakaalada wararka Portugal ee Lusa “ma jiro qof ka sarreeya danaha kooxda”. Weeraryahankii hore ee Brighton iyo Coventry Gyokeres ayaa dhaliyay 97 gool 102 kulan oo uu ciyaaray labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Portugal isaga oo Sporting ku hogamiyay ku guuleysiga laba horyaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *