
Daafaca dhexe ee kooxda Valencia Cristian Mosquera ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Arsenal, isagoo ku sii dhawaanaya u dhaqaaqista kooxda ka Ciyaarta Premier League.BBC Sport ayaa horay u sheegtay in Arsenal ay wadahadalo kula jirtay saxiixa 21 jirkan balse haatan qodob kale oo heshiiska ku aadan ayaa la soo gabagabeeyay. Gunners ayaa doonaysay in ay kooxdeeda ku soo darto daafac da’yar si ay ula tartansiso William Saliba iyo Gabriel Magalhaes. Mosquera waxa uu ka ciyaari karaa labada daafac dhexe iyo daafaca midig waxana uu buuxin doonaa booska uu baneeyay Xiddiga kooxda ka tagay Takehiro Tomiyasu kaas oo ay ku heshiiyeen in ay burburiyaan heshiiskiisa.Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa 90 kulan u saftay Valencia, waxaana uu ahaa mid joogta u ciyarayay xilli ciyaareedkii hore, isagoo ciyaaray 37 ka mid ah 38 kulan oo La Liga ah. Arsenal ayaa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku mashquulsaneyd saxiixyada Martin Zubimendi oo ka tirsana Real Socidead, Christian Norgaard oo ka yimid Brentford iyo Kepa Arrizabalaga oo Chelsea ah. Gunners ayaa sidoo kale ku dhow inay soo gabagabeyso heshiiska ay Sporting kala soo wareegeyso weeraryahankeeda Viktor Gyokeres, waxaana ay rajeynayaan inay 24-ka saac ee soo socda ku dhameystiraan heshiiska Gyökeres