Rasmi:Modric ayaa AC Milan u saxiixay heshiis hal sano ah

Luka Modric ayaa si xor ah ugu biiray kooxda Ac Milan kadib 13 sano oo uu ku sugnaa kooxda Real Madrid. 39 jirkaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa saxiixay heshiis dhacaya June 2026, iyadoo kooxda reer Talyaani ay fursad u leedahay inay kordhiso hal sano oo dheeri ah. Modric ayaa ku dhawaaqay bishii May inuu ka tagayo kooxda reer Spain ee Real ka dib koobka kooxaha aduunka ee ka socday dalka Mareykanka. Isagoo la hadlayay Wargesyada ciyaraha ka faaloda ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay “inuu bilaabayo bog cusub” xirfaddiisa.Massimiliano Allegri, oo markii labaad ku soo laabtay xilka tababaranimo ee Milan ka dib markii uu bedelay Sergio Conceicao, ayaa Modric ku tilmaamay “ciyaaryahan aan caadi ahayn” markii uu xaqiijiyay in kabtanka Croatia uu ku biirayo horaantii bishaan. Modric, oo ku guuleystay Ballon d’Or 2018, ayaa ku guuleystay 28 koob – oo ay ku jiraan lix Champions League iyo afar horyaal oo La Liga ah – Real ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay Tottenham 2012, taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka ugu Muhiimsan khadka dhexe kooxda. Waxa uu dhaliyay 43 gool 597 kulan oo uu u ciyaaray Real kulankisii ugu dambeeyay waxa uu ahaa guuldaradii 4-0 ee semi-finalka ka soo gaartay Paris St-Germain koobkii Club World Cup isbuucii hore. Modric ayaa aad u daneynaya inuu ka qeyb galo koobka aduunka sanadka soo socda, kaasoo ka dhacaya Canada, Mexico iyo Mareykanka.Milan ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta 8-aad ee kala sareynta Serie A-da, waxaana ay seegtay boos ay ka hesho Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *