
Marc Andre ter stegen ayaa ku adkeysanaya in hadii kooxdu ay doonayso in uu tago ay tahay in la siiyo Musharka ka dhiman qandaraaskiisa ilaa 2028 Hadii kale wuu sii joogaya Kooxda.
Goolhayahan Jarmalka ah ayaa ka xanaaqsan qaabka kooxdu ula dhaqantay iyaga oo aan ku wargalin Qorshayaashooda in ay raadsanayaan Goolhaye Kale, Ter stegen ayaa wali aaminsan in uu la tartami karo Joan Garcia kana fiicnaan karo .
Hansi Flick ayaa la hadli doona Ter stegen Bisha July waxkastana wuu u cadeynaya doorka uu kooxda ku leeyahay iyo in aanu wax door ah kulahaan doonin markaas kadib ayuu goaansan doona Ter stegen wuxu sameyn doono, maamulka Barcelona ayaa sidoo kale u adeegsanaya qandaraas kordhinta Scszssny Cadaadin ay ku cadadinayaan Ter stegen in uu tago iyada oo goolhayanahi doonayo in uu ciyaaro Koobka aduunka 2026 taas oo ku khasbaysa in aanu kursiga keydka fadhiyi doonin xilli ciyaareedka soo aadan oo uu Raadsado koox uu ka heli karo Booska kowaad.
Sheekada Ter stegen waxa ay soo dhamaan doonta Bisha August oo uu dooran doono in uu tago hadii isfahan yimaado ama in uu kooxda sii joogo isaga oo mustaqbalkiisa Kooxda iyo qarankaba aan la hubin (Sport)