
Bartilmaameedka Arsenal Viktor Gyokeres Ayaa wajahaya tallaabo ciqaab anshax ah oo Kaga imaaneysa kooxdiisa Sporting ka dib Markii uu ku uu diiday inuu soo xaadiro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka, ayuu yiri madaxweynaha kooxda Portugal Frederico Varandas. Varandas wuxuu intaa ku daray in bixitankasta oo suurtagal ah ay hadda noqonayso “mid aad u adag”. BBC Sport ayaa sheegtay todobaadkii hore in agaasimaha ciyaaraha ee Arsenal Andrea Berta uu wadahadalo fool ka fool ah kula yeeshay xiddiga reer Sweden Gyokeres Portugal. Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in wadahadalo ay kula jiraan Arsenal, kuwaas oo wali rajo ka qaba inay heshiis la gaaraan, iyadoo soo dalabkoodii ugu dambeysay ee 27 jirkaan ay dhan tahay 70m euros Bishii la soo dhaafay madaxweynaha Sporting Varandas ayaa sheegay in uusan jirin ‘heshiiska Genleman’ ee ah in Gyokeres uu ku baxo 70m euros laakiin waxa uu intaa ku daray in kooxdu aysan dalban doonin lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo dhan 100m euros (£85m). Gyokeres, oo dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, ayaan wali si cad u sharaxin sababta uu u soo xaadiri waayay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Varandas ayaa u sheegay wakaalada wararka Portugal ee Lusa “ma jiro qof ka sarreeya danaha kooxda”. “Waan degannahay, wax walba waxaa lagu xalin karaa xiritaanka suuqa, ganaax weyn iyo raaligelin kooxda,” Varandas ayaa yiri.”Haddii aysan dooneynin inay bixiyaan qiimaha suuqa ee Viktor, aad ayaan ugu qanacsanahay taas seddexda sano ee soo socota. “Hadii dadka hindiseya xeeladan ay u maleynayaan in tani ay cadaadis igu saarayso inaan u fududeeyo isaga inuu baxo, kaliya maahan inay gebi ahaanba khaldan yihiin, laakiin sidoo kale waxay sii adkeynayaan in ciyaaryahanka uu baxo.” Gyokeres ayaa dhaliyay 97 gool 102 kulan oo uu ciyaaray labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Portugal isaga oo Sporting u gacan gèliyay laba horyaal.