
Axel Tuanzebe ayaa dacweeyay kooxdiisii hore ee Man Utd
Daaficii hore ee Manchester United Axel Tuanzebe ayaa dacweeyay kooxda isagoo lagu eedeeyay arimo la xiriira dayacaad caafimaad27-jirkan oo ku biiray Burnley horraantii bishan, ayaa dacwad dhan Uinted u gudbiyay maxkamadda sare usbuucii hore. Waxay la xiriirtaa dacwada muddo laga bilaabo July 2022 dhaawac aan la garanayn oo so gaaray xiddiga waxaana loo arkaa sheegasho qiimeheedu sareeyo , kaas oo la fahamsan yahay inuu ka badan yahay £1m. Tuanzebe waxa uu maqnaa 195 maalmood xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kooxda ka hor inta aan amaah lagu siinin Stoke January 2023, halkaas oo uu u saftay kaliya shan kulan. Waxa uu kooxda ku soo biiray markii uu siddeed jir ahaa, isagoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay 2017, wuxuuna u ciyaaray 37 jeer ka hor inta uusan ka tagin xagaagii 2023, isagoo ku biiray Ipswich beeca xorta ah bishii Sebtembar.Daafaca dambeedka midig ayaa Mar xirtay calamada kabtannimo Ee United Muuqaalkiisii ugu dambeeyay ee kooxda wuxuu ahaa 2021-kii finalkii Europa League Oo ay ka qaaday Villarreal, halkaasoo uu ka dhaliyay Mid ka mid ah rigoorayaal 11-10 ah. Laacibkii hore ee xulka England ee 21 jirada – oo hadda matala DR Congo – ayaa sidoo kale seddex jeer amaah ku soo qaatay Aston Villa, halka uu sidoo kale waqti ku qaatay Napoli 2022. Qareenada Tuanzebe, Simons Muirhead Burton, iyo United labaduba waa ay diideen inay faallo ka bixiyaan kadib markii wax laga weydiyay arintaan