RASMI:Real Madrid ayaa la soo wareegtay Carreras

Real Madrid ayaa la soo saxiixatay daafaca reer Spain ee Alvaro Carreras kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Benfica. 22-sano jirkaan ayaa ku biiray kooxda reer Spain heshiis lagu sheegay inuu ku kacayo 43 milyan Oo ginni ah wuxuuna saxiixay qandaraas lix sano ah. Carreras waxa uu qayb ka ahaa Kooxda dhalinyarada Real Madrid ee 2017 ilaa 2020 ka hor inta aanu ku biirin Manchester United. Waxa uu amaah ku joogay Preston iyo Granada laakiin uma ciyaarin kooxdii ugu Kowaad ee United ka hor inta uusan u wareegin Benfica bishii Janaayo 2024. Carreras ayaa ka caawiyay Benfica inay ku dhameysato kaalinta labaad ee horyaalka Portugal xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdooda koobkii kooxaha adduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *