
Bayern Munich ayaa kula dagaalami doonta Arsenal saxiixa khadka dhexe ee weerarka Crystal Palace Eberechi Eze, sida laga soo xigtay The Sun. Gunners ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa 27 jirkan laakiin tababaraha Bayern Vincent Kompany ayaa qorsheynaya in uu dib ula mideeyo xiddigii hore ee Palace Michael Olise. Bavarians-ka ayaa isha ku haya inay xoojiyaan weerarkooda si ay u xoojiyaan hamigooda Champions League,Wexeeyna tani kusoo beegbeysaa xili Jamal Musiala uu lugta kasoo gaaray jab kadib marki ucanqowga ka jabay kulan ay guul daro kala kulmeen kooxda PSG koobkii Club World Cup. Bayern ayaa sidoo kale sahamineysa heshiis ay kula soo wareegeyso xiddiga Keydka Chelsea ku daalay ee Christopher Nkunku.kasoo doonaya inuu ka baxsado kursiga keydka si uu u soo muujiyo tayadiisa kubadda cagta waana xiddig aa ugaranaya horyaalka Germeny oo uu horay uga soo ciyaaray