Liverpool ayaa diiday Dalab uga yimid Bayern Munich

Liverpool ayaa diiday dalab 58.6 milyan ginni ah oo ay Bayern Munich ku doonaysay weeraryahanka Luis Diaz. Kooxda Jarmalka ayaa la xiriirtay Liverpool horaantii bishaan laakiin waxaa loo sheegay Diaz inuusan iib ahayn. Hadalkaas ayaa la xoojiyay talaadadii iyadoo Liverpool ay diiday dalabkii ugu horeeyay ee kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee ku aadan 28 jirka reer Colombia. Liverpool waxay ku qiimeysaa Diaz, oo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2027, in ka badan 87 milyan ginni isagoo xubin muhiim ah ka ah kooxda Arne Slot. Waxa uu dhaliyay 22 gool koox iyo wadan xilli ciyaareedkii hore, isagoo 13 ka mid ah ka dhaliyay Premier League xilli Liverpool ay ku guuleysatay horyaalka ayadoo ka sareysa koxda kaalinta 2aad farqi 10 dhibcood ah Diaz ayaa xiisa ka helay Manchester City xagaagii hore, waxaana uu sidoo kale taageerayaal ku leeyahay Sacuudi Carabiya. Liverpool ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan, waxaana la og yahay inay si weyn u xiiseyneyso xiddiga Newcastle iyo Sweden Alexander Isak. BBC Sport ayaa fahansan in kooxda heysata horyaalka Premier League ay si dhab ah ugu dhaqaaqday heshiis ay kula soo saxiixaneyso Isak maalmihii la soo dhaafay. Waxay sidoo kale sahmiyeen halbeegyada bartilmaameedyada kale ee weerarka dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *