
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka England iyo kooxda Real Madrid Jude Bellingham ayaa lagu sameeyay qaliin lagu guuleystay kadib markii uu muddo dheer ka kacabanayay dhibaato dhanka garabka ah. 22-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu seego dhammaan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Real iyo ugu yaraan lixda toddobaad ee ugu horreeya ololaha kuwaasoo ay ku jiraan ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka ee England ay la ciyaarayaan Andorra iyo Serbia bisha Sebtembar. Bellingham ayaa la dhibtoonayay dhibaatada tan iyo 2023, markaasoo uu garabka kaso garay dhawac ciyaartii ay la ciyaareen Rayo Vallecano. Real ayaa sheegtay in uu hadda mari doono muddo baxnaanin ah ka hor inta uusan ku soo laaban tababarka. Kooxda Isbaanishka, oo uu hogaamiyo macalinka cusub Xabi Alonso, ayaa xilli ciyaareedkooda La Liga ku bilaabanaya kulan ay ku ciyaari donaan gurigooda wexeyna wajahayan Osasuna 19ka Agoosto.Bellingham waxa uu gishna muddo dheer suunka garabka lagu celiyo , laakiin waxa uu bishii June u sheegay warfidiyeenka in uu “ka daalay ku ciyaarista suunkas”. Real ayaa diyaarisay qaliinkiisa kadib koobkii Club World Cup ee ka dhacay dalka Mareykanka, halkaasoo ay semi-finalka ku garaacday Paris St-Germain usbuucii hore. Bellingham waxa uu Real kaga soo biiray Borussia Dortmund adduun lacageed dhan 115 milyan oo gini laba sannadood ka hor, waxaanu kula guuleystay horyaalka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey, isagoo u dhaliyey 23 gool 43 kulan oo uu saftay.Waxa uu dhaliyay 15 gool 58 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Barcelona ay ku guleysatay horyaalka , islamarkaana ay kusoo hartay wareega 8da Champions League