
CHELSEA ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareysa ka dhigtay xiddiga Aston Villa Morgan Rogers inta ka harsan suuqa kala iibsiga. Tababaraha Villa Unai Emery ayaa sidoo kale doonaya inuu dib ula midoobo weeraryahanka Blues Nicolas Jackson ka dib markii ay ka soo wada shaqeeyeen Villarreal.Dhanka kale, weeraryahanka Chelsea Jackson ayaa laga yaabaa inuu isna u dhaqaaqo Aston Villa oo uu dib ula midoobo tababarihiisii hore Emery Kooxda dhawaan ku guuleysaty koobka kooxaha aduunka ee Chelsea ayaa horay u bixisay in ka badan 130 milyan ginni si ay uguso darto kooxdoda Joao Pedro, Liam Delap iyo Jamie Gittens Balse waxa ay diyaar u yihiin in ay markale wacdaro ka dhigaan suuqa si ay u keenaan xiddiga England Rogers, kaas oo lagu qiimeeyo 80 milyan ginni ama ka badan. Heshiiska qayb-is-beddelka ah ee ku lug leh Jackson maaha mid ku cad warbixintan Villa waxa ay jeclaan lahayd in ay hesho hab ay ugu sii jirto faa’iidada Premier League iyo Xeerarka Sustainability iyo xeerarka Uefa iyada oo aan gabi ahaanba iibin Rogers.Rogers oo 22 jir ah, waxa uu ku kacay kaliya £15m markii uu kooxda kaga soo biiray Middlesbrough bishii February 2024kii. Laakiin qiimihiisa ayaa cirka isku shareeray ka dib markii uu u soo baxay mid ka mid ah hibada da’da yar ee England. Rogers waxa uu dhaliyay 8 gool waxana uu caawiye ka ahaa 11 gool xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka premier League,waxa uu xiddig ka ahaa Villa’s Champions League-gi cajiibka ahaa waxana uu ku guulaystay afartiisii kulan ee ugu horeeyay ee England.