
Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta weeraryahanka Eintracht Frankfurt Hugo Ekitike kaas oo ku kacaya in ka badan 70 milyan oo gini. Ilo-wareedyo badan ayaa tilmaamaya in Liverpool ay doonayso inay soo gabagabayso iibsiga ciyaartoygan dhamaadka usbuucan. Newcastle ayaa dalab 70 milyan ginni ah oo ay ku doonaysay Ekitike ka diiday Frankfurt, iyadoo dalabka Liverpool la filayo inuu dhaafo intaas Ekitike ayaa u furan inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League, kuwaasoo doonaya inay la soo wareegaan weeraryahan dhexe23-sano jirkaan ayaa dhaliyay 15 gool 31 kulan uu kusoo bilowday iyadoo Frankfurt ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Bundesliga xilli ciyaareedkii hore. Si kastaba ha ahaatee, Ekitike waa baase iyo sidoo kale gool dhaliye, iyadoo sideed caawinaad uu sameeyay wuxu ku jiro 6% ee ugu sareeya qiimennta weeraryahanada fursado ka abuuray Jarmalka xilli ciyaareedkii hore. Ekitike ayaa diwaan galiyay 117 darbo oo gool dhalinta Bundesliga xilli ciyaareedkii hore – waana in ka badan ciyaaryahan kasta. Tirada goolashiisa la filayo oo ah 21.6 ayaa ahayd goolkii labaad ee ugu sarreeyay horyaalka.Liverpool ayaa sidoo kale xiiso weyn u muujisay weeraryahanka Newcastle Alexander Isak, laakiin Magpies ayaa ku adkaysanaysa in aanu Sweden iib ahayn qiimo kasta. Liverpool ayaa heshiis rikoor ah oo 116 milyan ginni ah kula soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Reer Germany Florian Wirtz xagaagan Newcastle ayaa la filayaa inay dardar galiso xiisaha ay u qabto weeraryahanka Brentford Yoane Wissa 24ka saacadood ee soo socda ka dib markii isku daygii ay ku doonayeen inay ku soo xerogeliyaan Ekitike uu gaabis ku yimid.Hugo Ekitike Weeraryahanka ayaa soo jiitay xiisaha kooxo Badan oo ay ku jirto Newcastle United, Si kastaba ha aheete Hada waxaa ad ugu sii dhawaneysa kooxda heysata horyaalka Premier League ga ineey so gaba gabeyso xiddigan saxiixiisa