Man united Oo dalabki Sadexaad ka gudbisay Mbeumo

Manchester United ayaa dalabkii seddexaad ka gudbisay weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo kaasoo ku kacaya 70 milyan ginni. Dalabka ayaa la fahamsan yahay inuu yahay £65m oo bilowga ah, oo ay ku jiraan £5m dib looga dari doono Brentford ayaan wali ka jawaabin dalabka. United ayaa kalsooni ku qabta helitaanka Mbeumo, waxaana ay ku rajo weyneyd inay ku darto xiddiga heerka caalami ee dalka Cameroon kooxda Ruben Amorim ka hor inta aysan u ambabixin Mareykanka halkaas oo ay kuciyaari donaan seddex kulan oo isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ah. Inkastoo United si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka Chelsea Nicolas Jackson iyo goolhayaha Aston Villa Emiliano Martinez maalmihii dhawaa, had iyo jeer waxay ahayd mudnaanta Old Trafford in heshiiska Mbeumo lagu dhammeeyo waqtigii loogu talagalay Amorim si uu ugala duulo Chicago, halkaasoo United ay kuciyaari donaan inta badan kulamadooda Safar qaadan doona 13 maalmood 25 jirkaan ayaa dhaliyay 20 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana xiiseynayay kooxo dhowr ah oo ay ku jirto Tottenham oo uu haatan maamulo tababarihii hore ee Brentford Thomas Frank. Si kastaba ha ahaatee, Mbeumo dooqiisa wuxuu ahaa inuu ku biiro United. Khatarta kale ee heysata Brentford, wexeey weeraryahankoda Yoane Wissa, ayaa lala xiriirinaya kooxda Newcastle.Xilli ciyaareedkii hore Amorim ayaa si isdaba joog ah uga hadlay guuldaradii United ee uhorseeday ineey ku dhameeystan kalamaha hoose ee horyalka 44 gool oo ay dhaliyeen Premier League ayaa aheyd soo heerkii ugu xumaa ololahooda Premier League _ga tan iyo markii ay u laabteen heerka labaad 1973-74. United ayaa la soo saxiixatay weeraryahan Matheus Cunha iyo daafaca Diego Leon suuqii xagaaga. Haddii ay dhacdo Mbeumo inuu ku biiro waxay u badan tahay inay la micno tahay kabtan Bruno Fernandes inuu ka ciyaarayo doorka qadka dhexe No 8da iyadoo Cunha loo qoondeeyay mid ka mid ah labada boos ee weerarka ah ee ka dambeeya weeraryahan tooska ah oo uu Amorim doorbido. Waxa ay sidoo kale la macno noqon doontaa in xitaa ay yaraato fursada afarta ciyaaryahan ee weerarka ah ee haatan kooxda koowaad ee masaafurinta ah – Marcus Rashford, Alejandro Garnacho, Jadon Sancho iyo Antony – dib loogu soo celin karo safka hore. United ayaa xilli ciyaareedkeeda horyaalka waxa ay Old Trafford kula ciyaari doontaa Arsenal 17ka Ogosto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *