
Newcastle ayaa la filayaa inay dardar galiso xiisaha ay u qabto weeraryahanka Brentford Yoane Wissa 24ka saacadood ee soo socda ka dib markii ay ka baxeen baacsiga Hugo Ekitike. Magpies ayaa dooneysa inay la soo wareegto weeraryahan cusub laakiin dalabkii 70 milyan ginni ee ay u soo bandhigtay Eintracht Frankfurt 23 jirka reer France ee Ekitike waa laga soo diiday. Liverpool ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhigtay Ekitike si uu u noqdo badalka ugu macquulsan ee bartilmaameedkooda koowaad ee Newcastle Alexander Isak. Iyadoo Newcastle ay ku adkeysatay Isak inuusan iib ahayn, kooxda Anfield ayaa hadda la filayaa inay sare u qaaddo xiisahooda Ekitike.Iyadoo Newcastle ay ku adkeysatay Isak inuusan iib ahayn, kooxda Anfield ayaa hadda la filayaa inay sare u qaaddo xiisahooda Ekitike. Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in dadaalka Newcastle ee ku aadan soo xero gelinta Ekitike ay Hoos u dhacday 24-kii saac ee la soo dhaafay, Magpies ay u weecdeen dhanka Wissa. Weeraryahanka Brentford Wissa, oo 28 jir ah, ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Tottenham iyo Nottingham ForestWaxaa la fahamsan yahay in Newcastle xiisaha ay u qabto xiddiga heerka caalami ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu ka hooseeyo midka kooxahaas sida ay wax u socdaan, laakiin hadda waxay qarka u saaran tahay inay sare u kacdo iyadoo kooxda ka dhisan waqooyi bari ee dalka England ay kordhisay dadaalka ay ugu jirto saxiixa weeraryahan. Brentford ayaa ku adkeysatay inaysan dooneynin inay lumiyaan Bryan Mbeumo, oo ay xiiseyneyso Manchester United, iyo Wissa xagaagan – laakiin Wissa ayaa u furan inuu ka tago si uu fursad ugu helo inuu ka ciyaaro Champions League.Waxa uu dhaliyay 45 gool 137 kulan oo uu saftay Premier League tan iyo markii uu kaga soo biiray Lorient 2021.