
Arsenal ayaa wadahadalo suuqa kala iibsiga xagaaga la qaadatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern
Arsenal ayaa wadahadalo suuqa kala iibsiga ah la qaadatay Joao Palhinha ka hor koobka kooxaha aduunka laakiin ugu danbayn way awoodi wayday in ay heshiis gaaraan sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Germany.Heiko Niedderer ayaa u waramaaya Bild in Arsenal ay aad u doonaysay Xiddiga Bayern Munich Ciyaaryahankii hore ee Fulham Joao Palhinha ka hor koobka kooxaha aduunka, xitaa waxaa jiray warar sheegayay in laga wada hadlay waxyaabo badan Oo la xirira Heshiska xiddiganGunners ayaa ku rajo weyn Palhinha iney ka dhigto khadka dhexe ee burburiyaha ah oo uu ka horeeyo Martin Zubimendi, kaasoo xagaagan kaga soo biiray Real Sociedad.Si kastaba ha ahaatee Arsenal ayaa ugu dambeyntii awoodi wayday inay heshiis la gaadho Palhinha ayaa diirada saaraya sii joogida Bayern inkasta oo ay xiiso kale u qabaan Inter Milan iyo kooxaha kale ee Yurub.Arsenal ayaa Go’aansadeen kadib fashalki Palhinha inay la soo wareegaan Christian Norgaard oo ka tirsanaa Brentford, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysay Palhinha markii uu joogay Fulham, laakiin waligood ma aysan u dhaqaaqin iyadoo Bayern ay ugu dambeyntii soo gabagabeysay heshiiskiisa. Palhinha daqiiqado kooban ayuu ciyaarayay xilli ciyaareedkii hore, Gunners ayaa si degdeg ah u bartilmaameedsatay bartilmaameedyo kale.