Emiliano Martinez Man United Oo Raadineysa Baddelka Onan

RUNTA ku saabsan qiimaha lagu burburin karo goolhayaha Aston Villa Emiliano Martinez iyadoo Man United ay xiiseyneyso.Xaqiiqda ku saabsan heshiiska goolhayaha Aston Villa Emiliano Martinez ayaa soo shaac baxeysa iyadoo ay jirto xiiso ay u qabaan Manchester United. Kooxda Ruben Amorim ayaa ku qasbanan doonta inay la soo saxiixdaan goolhaye cusub ka dib markii Andre Onana uu dhaawac ka soo gaaray maalintii labaad ee tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.Ciyaaryahanka reer Cameroon, Oo ku dhibtooday inuu qanciyo Taagerayasha labadii xilli ciyaareed ee ugu horeysay ee Old Trafford, ayaa maqnaan doona inta u dhaxaysa afar ilaa lix toddobaad, taasoo laga yaabo ineey keento inuu ka maqnaado kulamada furitaanka Premier League ee United ee Arsenal iyo Fulham Horaantii Suuqa xagaaga United ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo gool-hayaha Villa Martinez, laakiin wadahadalada ayaa u muuqda inay ka joogsadeen Laacibka reer Argentina ayaa Muujiyay illin u muuqatay sakootin dhamaadkii ciyaartii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedkii hore, oo ay la ciyaareen Tottenham 16-kii May, inkastoo taasi aysan dammaanad qaadin bixitaankiisa, waxaa loo maleynayaa in Martinez uu tixgelin doono inuu galo tartan cusub. Wararka ka imanaya Argentina todobaadkan ayaa sheegaya in United ay dib u soo celisay xiisihii ay u qabtay xiddigii hore ee Arsenal kadib markii ay ogaadeen in 21.6 milyan ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa.Si kastaba ha ahaatee, Mail Sport ayaa daaha ka qaaday in in United ay xiiseyneyso saxiixa Martinez Xitaa ka hor dhaawaca Onana usbuucii hore, United ayaa la sheegay inay suuqa ugu jirtay goolhaye cusub xilli uu soo bandhigay qaab ciyaareed liita xilli ciyaareedkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *