By Asad Mohamoud

Xiddiga reer France Paul Pogba ayaa si weyn u amaanay da’yarka Barcelona iyo xulka Spain Lamine Yamal, isagoo ku tilmaamay “mucjiso” ama xiddig maskax-furan, mar uu ka hadlayay podcast-ka Sergio Agüero.
Pogba ayaa yiri:
“Waa ciyaaryahan yaab leh, waa dahab. Waxa iga yaabiyay waa sida uu u fahmayo kubadda cagta – maskaxdiisa ciyaareed waxay ka weyn tahay da’diisa.”
“Mar walba wuxuu sameeyaa waxa saxda ah. Waxa uu sameynayo da’da uu joogo waa wax lala yaabo. Wuxuu garoonka ku yahay mid degan, natiijooyin keena.”
“Waa ciyaaryahan koox u ciyaara, ma daneeyo in uu goolal badan dhaliyo iyo haddii kale. Wuxuu abuuraa fursado badan, wuxuuna caawiyaa ciyaartoyda kale.”
Lamine Yamal, oo 17 jir uun ah, ayaa si weyn ugu iftiimay Euro 2024 iyo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ee Barcelona, isagoo la baxay doorka xiddig weyn oo mustaqbal fog leh.
Dhanka kale, Pogba ayaa la filayaa inuu ku biiro AS Monaco kadib markii uu soo dhammeystay 18-bilood oo ganaax maandooriye ah. Waxa uu halkaas kula midoobi doonaa saaxiibkiisii hore ee Barcelona, Ansu Fati.