
Weeraryahanka Colombia Jhon Duran ayaa amaah hal sano ah ugu biiray Fenerbahce – lix bilood ka dib markii uu kaga soo dhaqaaqay Aston Villa oo uu ugu biiray Al-Nassr heshiis 71 milyan ginni ah. 21-sano jirkaan ayaa u dhaliyay 12 gool 29 kulan oo uu u saftay Villa xilli ciyaareedkii hore, ka dib markii uu ku biiray Al-Nassr bishii Janaayo wuxuu dhaliyay 12 gool 18 kulan oo uu u saftay kooxda Saudi Arabia. “Kooxdeena waxa ay heshiis la gaartay kooxda iyo ciyaaryahanka labadaba in Jhon Duran uu ugu soo biiro kooxdeena hal sano oo amaah ah” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Fenerbahce. “Waxaan u rajeyneynaa ciyaaryahankeena xilli ciyaareed ay ka buuxaan guulo hoos yimaada funaanadeena xariifnimada leh.” Duran, oo seddex gool u dhaliyay Colombia 17 kulan oo caalami ah, ayaa Villa kaga soo biiray Chicago Fire 18 milyan ginni bishii Janaayo 2023. Waxa uu u dhaliyay 20 gool 78 kulan oo uu u saftay kooxda, laakiin 61 ka mid ah kulamadaas waxa Uu ka yimid kursiga kaydka, iyadoo Duran uu si joogto ah u awoodi waayay inuu Booska kula dagaalamo weeraryahanka England Ollie Watkins. Waxa uu ka caawiyay Al-Nassr inay ku dhameysato kaalinta seddexaad ee horyaalka Sacuudiga Pro League xilli ciyaareedkii hore.weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa sii joogaya ka dib markii uu kooxda u saxiixay qandaraas labo sano ah bishii hore. Fenerbahce oo uu maamulo Jose Mourinho ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka Turkiga xilli ciyaareedkii hore.