Rasmi: Arsenal Oo Lasoo Wareegtay Xiddig Brentford U Ciyaara

Arsenal ayaa heshiis la gaartay Brentford si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe Christian Norgaard, kaasoo noqon kara saxiixii ugu horeeyay ee Gunners suuqa kala iibsiga xagaagan, inkastoo labo kale ay sidoo kale ku dhow yihiin.

31-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Denmark ayaa lagu wadaa in loo keeno bedelka Thomas Partey, kaasoo ka tagaya Arsenal marka uu qandaraaskiisu dhaco 30-ka June.

Mikel Arteta ayaa aad u doonayay in uu keeno xiddig khadka dhexe ah oo khibrad u leh Premier League si uu u badalo Partey, haatana saxiixa Norgaard waa la xidhay.

Taasi waa sida uu qabo saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano, kaasoo soo wariyay in Arsenal ay hadda heshiis la gaartay Brentford ka dib markii ay gudbisay dalab € 11 milyan (£ 9.3 milyan / $ 12.8 milyan).

“Christian Nørgaard oo ku biiraya Arsenal, Kadib heshiis aay lagaartay kooxdiisa ayaanu waxaana lagu so xero geliyaya aduun dhan €11m ee maanta loo diray,”sida uu xaqiijiyaya Romano

“Shuruudaha gaarka ah ayaa sidoo kale lagu heshiiyey in Nørgaard uu u diyaar garoobayo caafimaadka, Brentford ayaa u ogolaatay ciyaaryahanka inuu safro. Khadka dhexe ee cusub ayaa bedelaya Thomas [Partey].

Norgaard waxa uu ku biiray Brentford 2019 waxa uuna kooxda u saftay 196-kulan,waxana uu dhaliyay 13-gool 18-kalena caawiyay,waxana uu haatan diyaar u yahay in uu tartan cusub ku qaato Emirates.

Arsinal ayaa sameyneso suuq gal xoogan xagaagan, waxaana sidoo kale la filayaa inay xaqiijiyaan saxiixyada khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi iyo goolhayaha Chelsea Kepa Arrizabalaga.

Ku dhawaaqista imaatinka Zubimendi ee Gunners ayaa la filayaa dhawaan, ka dib markii uu soo baxay warka June 23 ee sheegaya in ciyaaryahanka khadka dhexe uu u duulay si uu u saxiixo qandaraaskiisa.

Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay siin doonto Real Sociedad qiimo wax yar ka badan €60million (£51m / $69m) ee lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *