
Weeraryahanka Genk Tolu Arokodare ayaa ka jawaabay xiisaha uga imaanaya Manchester United, iyadoo TEAMtalk ay daaha ka qaadayso magaca xidig kale oo heer sare ah kaasoo u sheegay Red Devils inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford.
Man Utd ayaa si aad ah u firfircoon suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo agaasimaha qorista ee kooxda, Christopher Vivell, iyo agaasimaha kubada cagta Jason Wilcox, ay horay ula soo wareegeen Matheus Cunha oo ka yimid Wolves, waxayna qarka u saaran yihiin inay heshiis la gaaraan Brentford oo ku saabsan Bryan Mbeumo.
Red Devils ayaa sidoo kale isha ku heysa gool haye, iyadoo bartilmaameedka sare uu u yahay xiddiga Aston Villa Emiliano Martinez.
Man Utd ayaa sidoo kale Ay ka go’antahy inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub suuqa xagaaga, iyadoo tababare Ruben Amorim uu ogaaday xilli ciyaareedkii hore in Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee midkoodna uusan si gaar ah uga dhex muuqan karin Premier League.
United in Focus ayaa soo warisay todobaadkii hore in Man Utd ay iftiimisay weeraryahanka Genk Arokodare.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Man Utd ‘indho-indheeyayaal ay usoo gudbiyeen magaca Arokodare, waana qof ay ogyihiin Christopher Vivell iyo Jason Wilcox, oo ay qadariyaan’.
Defensa Central ayaa sidoo kale xustay xiisaha Man Utd ee Arokodare, isagoo sheegay in labada koox Red Devils iyo AC Milan ay mar hore soo lasoo xiriireen, halka Real Madrid ay si dhow isha ugu hayso.
24-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah ee Jupiler Pro League xilli ciyaareedkii 2024/25 ka dib markii uu dhaliyay 17 gool isagoo caawiyay lix gool 30 kulan oo horyaalka ah.
45 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore, Arokodare ayaa shabaqa soo taabtay 23 jeer, waxaana loo diiwangeliyay todobo caawin, isagoo ku guuleystay 2025 Ebony Shoe – oo loo dhiibay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee asal ahaan ka soo jeeda afica ee Horyaalka heerka koowaad ee Belgiumka.
Isagoo ka jawaabaya xiisaha Man Utd, Arokodare ayaa cadeeyay inuu jeclaan lahaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford islamarkaana uu fuliyo riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Premier League.
“Wax kasta oo ikhtiyaar ah oo aan haysto, waxaan qaadan doonaa waqtigayga oo aan qaadan doono go’aanka ugu fiican.”
Weeraryahanka ayaa intaa ku daray: “Waxaan ahay taageere Manchester United ah, haddii ay dhacdona inaa ku biiro United, aniga iyo qoyskaygaba wax badan ayay nooga dhigan tahay.”