
Arsenal ayaa xiiseyneysa inay Benjamin Sesko kala soo wareegto RB Leipzig xagaagan, iyadoo Viktor Gyokeres uu yahay dooq kale oo eey kooxda daneeyneyso
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay hoos u dhigtay qiimaha ay ku doonayso xiddiga Benjamin Sesko. Gunners ayaan wali la soo saxiixan weeraryahan dhexe suuqa xagaaga laakiin waxa ay bartilmaameedkooda ugu sareeya ka dhigteen Sesko.
Mikel Arteta ayaa og inay u baahan yihiin weeraryahan heer sare ah si ay u xoojiyaan weerarkooda ka dib markii ay kaalinta seddexaad oo xiriir ah ku dhameysteen kaalinta labaad ee Premier League. Agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta ayaa ah ninka loo xilsaaray inuu saxiixo, waxaana uu heshiisyo u sahmiyay Sesko iyo Sporting Lisbon mashiinkoda gool dhalinta ee Viktor Gyokeres.
Laakiin wax walba ayaa aamusnaan noqday xilli dambe, taasoo ka careysiisay qaar ka mid ah taageerayaasha, kuwaas oo aad u doonaya in weeraryahan lala soo wareego. Si kastaba ha ahaatee, hadda waxay u muuqataa in dulqaadka Arsenal lagu abaal marin karo, iyadoo Bild ay warinayso in Leipzig ay ka laabanayso mawqifkeedii hore.
Horay waxaa loo maleeyay in kooxda Jarmalka ay ku dalbanayeen qiimo u dhexeeya €80million iyo €100m (£68m iyo £85m) oo ay ku doonayaan Sesko. Taasi waxay meesha ka saartay kooxdii Premier League, kuwaas oo ka falceliyay iyagoo sahamiyay xulashooyin kale.
Laakiin hadda waxaa la soo jeedinayaa in lacag dhan 70 milyan oo euro (£59.7m) ay ku filnaan karto 22 jirkaan, kaasoo qandaraas kula jira Leipzig ilaa Juun 2029 wuxuuna dhaliyay 21 gool 45 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa waqti dheer la dhacsan Sesko waxayna aaminsan yihiin inuu ka fiican yahay Gyokeres sababo dhowr ah awgood. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Slovenia ayaa shan sano ka yar 27-sano jirkii hore ee Coventry City, waxaana uu ka ciyaaraa horyaal tartan adag leh, iyadoo Bundesliga lagu qiimeeyay inuu ka sarreeyo heerka sare ee Portugal.
Sesko ayaa u furan inuu u dhaqaaqo Premier League xagaagan, laakiin wakiilkiisa ayaa qaab ka duwan u qaadaya Gyokeres, kaasoo ay isku dhaceen madaxda Sporting. Mar wax laga weydiiyey wararka xanta ah ee sheegaya inuu u ololaynayey Leipzig inay hoos u dhigto qiimaha ay ku dalbanayso, Elvis Basanovic wuxuu yidhi: “Tani waa mid runta ka fog.
“Waan ixtiraameynaa RB Leipzig, waxaanan 100% ku qanacsanahay RB Leipzig inay sidoo kale ixtiraami doonto go’aankayaga tallaabada xigta marka aan go’aansanno inaan sameyno, xitaa haddii ay jiri karto – ama ay jiri doonto – rabitaan xoog leh oo ciyaaryahanku u qabo inuu u wareego koox gaar ah, marnaba ma qasbi doono ama ma cadadin doonto RB Leipzig.