
Ka tagista Marc-André ter Stegen Barcelona Iyo Horyaalka Isbaanishka – ee La Liga
Ter Stegen ayaa diiday inuu baxo…
Goolhayaha Barcelona Marc-Andre ter Stegen ayaa sii murjiyay xaaladiisa kooxda reer Catalonia kadib markii uu diiday dalab uga yimid horyaalka France inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Waa maxay sheekadu?
Goolhayaha reer Jarmal ayaa lala xiriirinayay in uu isaga tagayo kooxda reer Catalonia intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu ku hungoobay dhanka farsamada Hansi Flick kaas oo la soo wareegay Juan Garcia si uu u noqdo goolhayaha kowaad ee Barcelona xilli ciyaareedka cusub.
Dhankiisa, Ter Stegen ayaa diiday fikradda ah inuu ka tago Barcelona in ka badan hal mar, waxaana uu ku adkeystay inuu la sii joogo kooxda Catalanka , isagoo carabka ku adkeeyay inuu ku dadaalayo inuu boos ka helo Blaugrana xilli ciyaareedka soo socda
Maxaa dhacay?
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain Ter Stegen ayaa diiday dalab uga yimid kooxda reer France ee Monaco inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan wuxuuna ku adkaystay inuu sii joogo Barcelona.
Dhankeeda maamulka Barcelona ayaa aaminsan in goolhayaha reer Jarmal uu badali karo go’aankiisa ku aadan bixitaanka maalmaha soo socda gaar ahaan hadii uu doonayo in uu xulka qarankiisa kala qeyb galo koobka aduunka 2026
Monaco ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Barcelona si ay amaah ugula soo wareegto Ansu Fati iyadoo ikhtiyaar ay ku iibsan karto. Maamulka kooxda reer France ayaa doonaya inay xoojiyaan kooxda si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub, kaasoo ay kaga qeyb gali doonaan Champions League