
Brentford ayaa diiday inay Hoos u dhigto lacagta Mbeumo – Xanta Suuqa Jimcaha
Brentford ayaa diiday inay hoos u dhigto qiimaha Xidiga bartilmaameedka U ah Manchester United ee Bryan Mbeumo, Real Madrid ayaa laga yabaa inay iibiso Rodrygo
AC Milan Oo kusoo biirtay kooxaha xiiseynaya Marco Asensio.
Brentford ayaa diidan inay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer Cameroon ee Bryan Mbeumo oo ah ugu yaraan 63 milyan oo gini, haddii heshiiska 25 jirka ah la isku afgaran waayo Manchester United, waxa ay filayaan in weeraryahanka uu soo xaadiro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub Isniinta.
Real Madrid iyo tababare Xabi Alonso ayaa ku heshiiyey iibinta weeraryahanka Brazil Rodrygo, kaasoo lala xiriirinayo Arsenal, haddii dalab ku habboon laga keeno 24 jirkaan.
Fenerbahce ayaa 15m euros (£12.9m) ka gudbisay weeraryahanka Paris St-Germain Marco Asensio laakiin 29 jirkaan ayaa sugaya dookhyo kale oo uu kusoo bixi karo, AC Milan iyo Villarreal ayaa xiiseynaya xiddiga heerka caalami ee dalka Spain. (L’Equipe – Faransiis),
Al-Nassr ayaa laga yaabaa inay dareenkooda u jeediyaan garabka Arsenal ee reer Brazil Gabriel Martinelli, Oo24 jir ah, ka dib markii ay ku dhibtoonayeen inay helaan bartilmaameedkooda ugu sarreeya – weeraryahanka Liverpool iyo Colombia Luis Diaz, Oo 28 jir ah. (GiveMesport, external) aya dabacday
Bayer Leverkusen ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto xiddiga Mareykanka Malik Tillman, oo 23 jir ah, 35m euros (£ 30m) oo ay kaga soo iibsadeen PSV Eindhoven si ay ugu bedelaan 22 jirka qadka dhexe ee Jarmalka Florian Wirtz, kaasoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay Liverpool kaga iibisay 100 milyan ginni. (Sky Sports Germany)Ayaa qortay…