
Xaalad adag oo soo wajahday xiddiga kooxda Spain
Weeraryahanka da’da yar ee reer Brazil Endrick ayaa wareysi la yeeshay maamulaha guud ee Real Madrid José Ángel Sánchez si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa kooxda.
Maxaa dhacay?
Endrick ayaa kuso biiray Real Madrid 2024 kii, laakiin weeraryahanka reer Brazil ayaa ku guuldareystay inuu ka mid noqdo kooxda koowaad, isagoo inta badan xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kursiga keydka.
18-sano jirkaan ayaa doonaya in loo caddeeyo doors kisa kooxda xagaagan, isagoo doonaya inuu ku biiro xulka Brazil ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka 2026.
Sida laga soo xigtay shabakaddahada ka faaloda “Ciyaaraha”Maamulaha guud ee Real Madrid ayaa u safray dalka Mareykanka si uu ula kulmo Endrick oo uu kala hadlo mustaqbalkiisa
Endrick ayaa dhaawac kaga maqan kooxda oo ka qayb galeysa koobka kooxaha aduunka wuxuuna u safray dalka Maraykanka si uu u taageero saaxiibadiisa.
Xiddiga reer Brazil oo kooxda kula jira heshiis dhacaya 2030 ayaa ka cabsi qaba in la’aanta xilli ciyaareedka dambe ay saameyn ku yeelato horumarkiisa.
Endrick ayaa ka soo muuqday 22 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii hore, Waxa uu sidoo kale ku soo bilowday kaliya hal jeer Champions League, lakiin sideed kulan ayuu bedel ku Soo Galay..
In laga helo boos joogta ah kooxda Real Madrid Aya ku adkaata xiddigo badan . Endrick ayay ku adkaatay inuu fursad u helo inuu ka hoos ciyaaro tababarihii hore ee Real Madrid Carlo Ancelotti.
Iyadoo Xabi Alonso uu hadda la wareegay xilka, waxaa laga yaabaa in qorshaha kooxda uu isbedelo, taasoo ka dhigeysa in mustaqbalka Endrick aan la hubin kooxda
Gonzalo Garcia ayaa qaab ciyaareedkiisa ku soo bandhigay koobkii kooxaha aduunka oo uu saddex gool ka dhaliyay halna caawiye ka ahaa afar kulan oo uu ciyaaray, waxayna xaalada ku sii cakiraysaa xidiga reer Brazil iyada oo tartanka boosaska uu sii xoogaysanayo
Xalada mustaqbalka Endrick?
Fursadaha badan ee jira, ikhtiyaarka amaahda ayaa u muuqda inuu yahay kan ugu waxtarka badan ee Endrick. Kooxaha Serie A ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga reer Brazil xagaagan.
Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis amaah ah u soo jeedisay Endrick dhawr todobaad ka hor. Real Madrid ayaan wali mowqif ka qaadanin ciyaaryahankeeda da’da yar, laakiin waa inay Ay hada kala cadeeyan doorka mustaqbalka ciyaariyahnka.