Rashford Oo Hogaminaya Shan Xidig Oo Donayaan iney ka tagaan United Suuqa Xagaagan

Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho ayaa ka mid ah shan ciyaartoy oo ku wargaliyay Manchester United inay doonayaan inay ka tagaan kooxda.
Antony, Jadon Sancho iyo Tyrell Malacia ayaa sidoo kale raadinaya bixitaan, iyadoo United ay u ogolaaneyso dhammaan shanta waqti dheeri ah si ay u sahamiyaan xulashooyinkooda mustaqbalka iyagoo dib u dhigaya soo laabashadooda xilli ciyaareedka kahor ilaa dhamaadka bishaan. BBC Sport ayaa loo sheegay in kooxdu ay ku soo dhaweyn doonto ciyaartoyda ku soo laabanaya Carrington haddii aan mustaqbalkooda la xalin, taasoo u ogolaanaysa inay helaan taageero caafimaad iyo tababar. Rashford ayaa hore u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku soo laabto bilowga isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee United isniinta. 27 jirka reer England ayaa waxaa masaafuriyay tababare Ruben Amorim bishii December, waxaana uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka amaah ku qaatay Aston Villa.
Amorim ayaa sidoo kale u sheegay Garnacho, oo 21 jir ah, in loo ogolaan doono inuu ku biiro koox cusub xagaaga ka dib markii xiddiga reer Argentine laga saaray kooxda kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka Premier League. Dhanka kale Sancho, ayaa ku soo laabtay Old Trafford ka dib markii Chelsea ay bixisay 5 milyan ginni rigoore si aysan ula wareegin si joogta ah ka dib xilli ciyaareed amaah ah oo uu ku joogay Stamford Bridge. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Brazil Antony ayaa amaah ku joogay kooxda La Liga ee Real Betis xilli ciyaareedkii hore, halka daafaca Malacia uu qeybtii labaad ee ololihii hore ku qaatay PSV Eindhoven.
Kulanka ugu horeeya ee saaxiibtinimo ee United ayaa la ciyaari doona Leeds 19ka Luulyo magaalada Stockholm ka hor inta aysan u aadin Mareykanka ciyaaraha saaxiibtinimo ee taxanaha xagaaga ee Premier League
Weeraryahanka Rer Brazil Matheus Cunha ayaa lambarka 10-aad u xiran doona Koxda ku ciyaarta Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda, isagoo 62.5 milyan ginni uga soo dhaqaaqay Wolves bishii hore.
Rashford ayaa lambarkan xirtay tan iyo 2018 kadib markii uu ka dhaxlay weeraryahankii hore ee Sweden Zlatan Ibrahimovic. Laakiin iyadoo mustaqbalka weeraryahanka Ingariiska aan la hubin, kooxdu waxay ku wareejisay Cunha, kaasoo saxiixay heshiis shan sano ah, oo leh ikhtiyaar 12 bilood oo dheeri ah. Waxaa la fahamsan yahay in United ay Rashford ka warqabtay go’aanka ka hor. Kooxda ayaa ku qiimeeya 40 milyan ginni laakiin wali wax dalab ah kama helin weeraryahanka. Bishii Febraayo Amorim wuxuu yiri “ma heli karin Marcus inuu arko habka aad u malaynayso inaad u ciyaarto kubbadda cagta iyo inaad u tababarto sida aan u arko”. Rashford, oo dhaliyay 138 gool 426 kulan oo waa wayn 20 sano uu la joogay United, ayaa sheegay bishii hore inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro weeraryahanka Lamine Yamal ee Barcelona. 17 kulan ayuu Villa ugu saftay amaah, isagoo u dhaliyay afar gool, lixna caawiye ka ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *