
Iyadoo kooxdu ay bartilmaameedsanayso Benjamin Sesko, Viktor Gyokeres, ama Ollie Watkins.
Booska Werarka ee kooxda Waqooyiga London ka dhisan Wuxu ahaa mid liita xilli Ciyareedki lasodhaafay
Kai Havertz iyo Gabriel Jesus ayaa dhawacyo ku seegay Kulamo muhiim ah xilli ciyaareedkii hore xitaa marka ay taam yihiin, midkoodna si dhab ah uma soo bandhigin Tayadiisa Mikel Merino ayaa loo isticmaalay sidii nambarka sagaal Si Kumeel gaar ah marxaladihii dambe ee Xilli Ciyareedki 2024/25, laakiin Ma noqon bilow fiican, khibrad la’aanta Isbaanishka ee booskas No.9 ayaa noqotay dhibaato.
Arsenal ayaa xiiseyneysay saxiixa Liam Delap, ka hor inta uusan weeraryahanka Ingariiska ku biirin Chelsea, waxana jirtay midaas sheeko la mid ah Matheus Cunha, iyadoo Gunners ay xiiso u muujisay Brazilian-ka balse ma aysan Suurtagalin. Ka dib markii uu waayay dhowr bartilmaameed, Arteta wuxuu u muuqdaa inuu Ka Carooday Maamulka Kooxda wuxuna ushegay inay la soo wareegto weeraryahan cusub, sida laga soo xigtay MailOnline.
Mikel Arteta ayaa doonaya weeraryahan cusub ka hor inta aysan Arsenal u safrin Asia Sida uu sheegay wariyaha MailOnline Isaan Khan, Arteta ayaa bartilmaameed Muhiim ah Ka dhigay weeraryahan cusub oo ay Arsenal la soo wareegto ka hor inta aysan kooxdu u duulin Singapore 19ka July si ay u bilaabato safarkooda xilli ciyaareedka cusub ee Asia. Iyadoo Uu jeclaan laha soo xero gelinta weraryahan tayo sare leh si uu ugu doobo baahida kooxda ee dhanka dhalinta goolasha Si ay kooxda ugu guuleysato Koobab Wuxuu intaas raaciyay ineey qasab tahay Arsenal ineey laso waregto Xidig ku haboon No.9 daaqadan Kala iibsiga Waxana taas eey mujineysa sida Arteta uga Go,antahay inuu tartan adag galo xilli ciyaredka so socda kuna guuleysto Horyaalka
Magacyada ku jira Liiska Kooxda oo ah kuwo ay yaqaanaan inta badan taageerayaasha Gunners-ka, iyadoo Gyokeres iyo Sesko ay yihiin labada bartilmaameed ee ugu sarreeya, halka Watkins uu Dooqa Sedaxaad , laakiin “waxaa hoos u sii dhacaysa heerka Xisaeynta Watkins” marka loo eego weeraryahannada Iswidishka Iyo Midka Slovenia.