
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay la soo wareegto Xidiga Beeca xorta ah lagu heli karo Ee Dominic Calvert-Lewin si ay ugu kordhiso kooxda Ruben Amorim. United ayaa dib u dhis ku samaynaysa kooxdeeda suuqa kala iibsiga xagaagan waxana uu Amorim aaminsan yahay in Calvert-Lewin uu wax fiican ku soo kordhin karo isaga oo ay weheliyaan saxiixyo qaali ah.
Matheus Cunha ayaa hore Man United ugu yimid 62.5 milyan oo Gini isaga oo kaga soo biiray Wolves waxana ay kooxdu wali baacsanaysaa xiddiga Brentford ee Bryan Mbeumo kaas oo sidoo kale ku kacaya 60 milyan oo gini. Laakiin iyadoo kooxda ay ka warqabto faa’iidada iyo sharciyada Dhaqaale Wanaga , waxay sidoo kale isha ku hayaan saxiixyo kalo Qiima jaban.Calvert-Lewin ayaa ka tagay Everton sagaal sano uu la joogay Waxa uu la dhibtoonayay dhaawacyo sanadihii ugu dambeeyay, laakiin The Sun ayaa ku warameysa in United ay aaminsan tahay inuu leeyahay tayada looga baahan yahay inuu ku xoojiyo kooxda Amorim. Waxay diyaar u yihiin inay Calvert-Lewin u soo bandhigaan qandaraas kaas oo ay ku jiraan gunnooyinka kulamada si uu u noqdo ciyaaryahan Wax kusoo kordhiya dhanka weerarka kooxda door Muhiim ahna ku yeesha Kaas Oo Ka Caawin kara kooxda ineey dib ugu soo noqoto wadadii guulaha . kadib,
28 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyay 71 gool 273 kulan oo uu u saftay Toffees ka dib markii uu kaga soo biiray Sheffield United 2016 waxana uu raadinayaa Is badel cusub.