Rasmi:Arsenal ayaa Zubimendi kala soo wareegtay Real Sociedad aduun dhan £60m

Arsenal ayaa dhameystirtay saxiixa Martin Zubimendi oo ay kala soo wareegeen Real Sociedad heshiis ku dhow 60 milyan ginni. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain ayaa ah saxiixii 3 aad ee Gunners ay sameyso suuqa kala iibsiga xagaagan, ka dib markii uu goolhaye Kepa Arrizabalaga kaga yimid Chelsea 5 milyan ginni. Waxa ay sidoo kale wadahadalo kula jiraan weeraryahanka Sporting Viktor Gyokeres Oo lagu qiimeyo 70 milyan Oo ginni. Zubimendi, oo diiday Dalab  kaga yimid Liverpool xagaagii hore, ayaa ku sii joogay Real Sociedad ka hor inta Uusan kusoo biirin Arsenal.
26-jirkan khadka dhexe ka dheela ayaa 236 jeer u soo ciyaaray kooxda Isbaanishka, isagoo u dhaliyay 10 gool – wuxuu saxiixay heshiis shan sano ah. “Tani waa waqti aad ugu weyn xirfadeyda,” Zubimendi ayaa yiri. “Waa dhaqaaqii aan raadinayay iyo mid aan doonayay inaan sameeyo, isla marka aad halkan cagta soo dhigto, waxaad garanaysaa sida ay kooxdan iyo Tageeraayshuba u wayn yihiin. “Arsenal ayaan diirada saaray sababtoo ah qaab ciyaareedkooda ayaa Igu haboon aniga, waxa ay soo bandhigeen awoodooda dhawaan, Waqtigii wacnaa wali waa soo socdaa ayuu sii raaciyay hadalkiisa”.
Waxa uu xulkiisa ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​Euro 2024,   Waxa uu u saftay 19 kulan waxana uu boos joogto ah kahelay Spain kadib marki uu dhaawac dheer galay  Rodri Xilli ciyaareedkii hore. Zubimendi ayaa gool dhaliyay ciyaartii ugu dambeysay ee Nations League oo ay la ciyaareen Portugal ka hor inta aysan Spain ku khasaarin rigoorayaal. “Martin waa ciyaaryahan kooxdeena u keeni doona tayo aad u badan iyo caqliyad kubada cagta ah,” ayuu yiri tababaraha Arsenal Mikel Arteta. “Runtii si fiican ayuu ugu haboonaan doonaa, wuxuuna leeyahay dhamaan sifooyinka uu inoogu noqon karo ciyaaryahan muhiim ah.
Waxa uu si joogto ah u soo bandhigay tayadiisa dhowrkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kooxdiisa  iyo wadankiisaba waa sababta aan ugu faraxsanahay inaan isaga lasoo wareegno .” Arsenal ayaa sidoo kale heshiis la gaartay Brentford si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe Christian Norgaard aduun dhan 10 milyan ginni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *