Real Madrid ayaa ka badbaaday In leesla aado waqti dheeri ah kulanki ay xalay ka badisay  Borussia Dortmund

Garcia ayaa ahaa xidigii ugu fiicnaa Real Madrid ee koobka kooxaha aduunka isaga oo kaliya lix kulan u ciyaaray kooxda ka hor tartanka

Gonzalo Garcia ayaa dhaliyay goolkiisii ​​afaraad ee kooxda shantii kulan ee ay ciyaartay tartanka ka dib markii uu kubad karoos ah u soo dhigay Arda Guler daqiiqadii 10aad, Fran Garcia ayaa ku taabtay Shabaqa karoos uu soo dhigay Trent Alexander-Arnold 10 daqiiqo ka dib. Madrid ayaa 2-0 ku Hogaamisay Ciyarta Kahor Inta uusan Maximilian Beier oo badal ku soo galay Ciyaarta Dortmund u dhalinin goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1. Kylian Mbappe oo bedel ku soo galay ayaa wax yar ka dib dhaliyay kubad aad u qurxaneed , laakiin daafaca Dean Huijsen ayaa ciyaarta laga saaray ka dib markii uu rigoore Uu rigoore ku keenay kooxdisa Waxaana gool u badalay   Ciyaariyahanka Serhou Guirassy, ​​Rigooradi eey heshay Dortmound.
Way daahday in natiijada wax laga beddelo – weli guul ayey Real u tahay, balse saddex gool iyo laba – iyo weeraryahankii tartankan ee Garcia ayaa isku dhigay booskii ugu wanaagsanaa ee uu ku hanan lahaa kabta dahabka ah ee Koobka Kooxaha Adduunka, isagoo barbareeyey afar gool oo ay kala dhaliyeen Angel di Maria iyo Marcos Leonardo, kuwaas oo labadaba hadda laga saaray tartanka.
Waa maxay hadalka ugu weyn? Garcia ayaa kaliya lix jeer u ciyaaray Real ka hor tartankaan, waxaana uu dhaliyay kaliya hal gool. Si kastaba ha ahaatee, marxaladan uu ku sugan yahay Ciyaariyahan Garcia  waxa ay ka dhigeysa Mid ka faa’ideystay fursada uu ka helay  macalinka cusub, e Real madrid waxaana uu keydka dhigay Superstar Mbappe ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta. Dabcan, tababaraha Real Xabi Alonso ayaa laga yaabaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa, laakiin Garcia ayaa ku lug lahaa kulan kasta, waxaana uu si cajiib ah u sameynaya Hormar cajiib ah oo u horseedibkara inuu ku sii jiro kooxda xilli ciyaareedka soo socda isagoo si dhib yar uga diiwaan galay  khariidadda kubada cagta ka hor tartankaan.
Maxaa xiga?
Madrid ayaa u soo baxday semi-finalka Club World Cup waxayna wajihi doontaa Paris St-Germain garoonka MetLife Arbacada (20:00 BST).
Dortmund waxa ay dib u bilabeysa kulamadeeda isku diyaarinta xilli ciyareedka cusub  bartamaha Augsto iyaga oo la ciyaaraya Essen.kulan saaxiibtinimo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *