
Tottenham Oo ka gudbisay 50m Mohammed Kudus oo ka tirsan West Ham
Kudus ayaa West Ham kaga soo biiray Ajax sanadkii 2023
Sami Mokbel Wariye sare oo kubada cagta ah aya shegay
West Ham ayaa diiday dalab 50 milyan ginni ah oo Ay Tottenham ka gudbisay Mohammed Kudus. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana ayaa Lo badinaya inuu ka tago garoonka London Stadium, waxaana uu Mudnaanta siinayaa koox Ciyaareysa Champions League. Spurs ayuuna u arka iney ku haboontahy ka dib markii ay u soo baxday tartanka iyagoo ku guuleystay Europa League. Wadahadallada ayaa socda, iyadoo West Ham ay suura gal tahay inay u ogolaato 24 jirka weerarka ka ciyaara Inu ka tagi karo kooxdooda. Kudus oo West Ham ugu soo biiray 38 milyan ginni oo uu kaga soo biiray Ajax 2023, ayaa lagu burburin karaa qandaraaskisa 85 milyan ginni laakiin Tottenham ayaa raadineysa inay dalab ka duwa Qiimahaas kuhesho xidigan tayada sare leh.
Ugu yaraan lix naadi oo ayaa wax ka waydiiyay Kudus usbuucyadii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay ilo lagu kalsonan karo . Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha xiisaynaya Kudus. West Ham ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda ugu sarreeya xagaagan si ay dib ugu maalgeliso kooxda lacagta Kasoo xarooto iibinta xidigan Si Kooxda loogu dhiso tababare Graham Potter.
Kudus, oo weli heysta seddex sano oo qandaraaskiisa ah, ayaa 13 gool iyo sagaal caawin sameeyay 65 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Hammers.