
Weeraryahanka Napoli, Victor Osimhen, ayaa u muuqda inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa.Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Osimhen ayaa aqbalay heshiis 16 milyan euro ah sanadkiiba kooxda Galatasaray.Waxaa la sheegay in 26-sano jirkaan uu horay ula soo xiriiray rabitaankiisa ku aadan inuu sii joogo kooxda Turkiga.Osimhen ayaa xilli ciyaareedkii hore oo dhan ku qaatay kooxda Galatasaray isaga oo ka caawiyay in ay ku guulaystaan horyaalka iyo League Cup-ka.Iyada oo ay kooxo badan ay xiisaynayaan saxiixiisa xiddiga ayaa go’aansaday in ku biiro koox cusub.