
Newcastle United ayaa heshiis 55 milyan ginni ah kula heshiisay Nottingham Forest saxiixa garabka Sweden Anthony Elanga. Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in heshiiska la dhameystiri karo todobaadkan. Newcastle ayaa doonaysa in ay xoojiso weerarkeeda xilli ay isku diyaarinayso ku soo laabashada champions League kadib markii ay ku dhamaysteen kaalinta 5-aad ee premier League xilli ciyaareedkii hore. 23 jirkaan ayaa dhaliyay lix gool 11 caawin ayuuna u sameeyay kooxda Nuno Espirito Santo intii lagu jiray xilli ciyaareedkoodii guulaha badnaa ee 2024-25 ee Premier League. Newcastle ayaan wali wax lacag ah ku bixin xagaagan, Suuqa iyadoo 18 jirka garabka uga ciyaara Spain ee Antonio Cordero uu yahay kaliya xidiga ku cusub ee si beeca xorta ah uga soo biiray Malaga.
Forest ayaa la rumeysan yahay inay bixisay 15 milyan ginni si ay Elanga ugala soo wareegto Manchester United heshiis shan sano ah sanadki 2023. Waxa uu yimid Old Trafford isagoo 12 jir ah, waxaana uu u saftay 55 ka hor inta uusan u dhaqaaqin City Ground.
Inaad ku jirto boqolkiiba 80 ee ficilka gool-abuurka waxay la macno tahay inuu ka sarre maray 80% ciyaartoy la midka ah ama uu kaga horeeyo ciyartooyda ka ciyaarta dhanka weerarka tooska ah. Boqolleydiisa sare ee darbooyinka-goobka-goobeedka boqolleyda sidoo kale waxay muujinayaan kaliya inuu haleelo dhanka goolka balse markastaa uu janis u helo inuu darbo ku rido dhanka goolhayayaasha inay . Isagu ma khasaariyo fursadahas….