Man Utd ayaa qorsheyneysa inay dalab u dirto xiddiga Swiss-ka u dhashay

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay dalab ka gudbiso Ardon Jashari, ilo wareedyo ayaa u sheegay TEAMtalk, iyadoo sidoo kale la shaaciyay mowqifka ciyaaryahanka khadka dhexe ee ah inuu ka tago Club Brugge suuqa kala iibsiga xagaaga.

Jashari waa mid ka mid ah da’yarta khadka dhexe ee ugu fiican Yurub, wuxuuna xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed fiican ku jiray kooxda Club Brugge. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 22 jirka ah ayaa dhaliyay afar gool, waxaana uu caawiyay lix gool 52 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, iyadoo kooxda Nicky Hayen ay ku guuleysatay horyaalka Belgian Pro League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Belgian Pro League, waxaana sidoo kale loo magacaabay ciyaaryahanka da’da yar ee Belgium ololaha 2024/25.

Ilo wareedyo ayaa TEAMtalk u sheegay in Man Utd ay si dhow u fiirineysay Jashari ayna ka fiirsanayaan inay dalab ka gudbiyaan.

TEAMtalk waxay fahamsan tahay, in waqtigan, aan go’aan kama dambeys ah la gaarin, laakiin 22-jirka reer Switzerland ayaa si weyn loogu qiimeeyay gudaha Man Utd.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale u sheegay TEAMtalk in AC Milan ay aad u dooneyso in ay xagaaga heshiis la gaarto Jashari.

Maamulaha cusub ee Roma Gian Piero Gasperini ayaa u riyaaqay da’yarkan muddo dheer, Claudio Ranieri, oo hadda ah la-taliye sare oo ka tirsan golaha sare ee kooxda, ayaa ku daray liiska ciyaartoyda khadka dhexe ee ay si dhow isha ugu hayso Giallorossi.

Iyadoo ay xiisaynayeen kooxaha Man Utd, Milan iyo Roma, Club Brugge ayaa si cad u sheegay: Jashari waxa uu kaliya ku bixi doonaa €40million (£34.12m, $46.5m) ugu yaraan €35m (£29.9m, $40.7m) oo ah lacag go’an.

Kooxda Belgian ayaan cadaadis dhaqaale saarneyn inay iibiso mana bixin doonto qiimo dhimis, gaar ahaan tartanka adag ee ciyaaryahanka khadka dhexe.

TEAMtalk waxa ay fahansan tahay in Jashari qudhiisa uu rajaynayo dhaq dhaqaaq siinaya fursad uu kaga ciyaaro tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda.

Man Utd iyo Milan midkoodna kama ciyaari doono Yurub ololaha 2025/26, Jashari wuxuu si dulqaad leh u sugayaa xulashooyin wanaagsan oo soo bixi doona maalmaha ama toddobaadyada soo socda, isagoo rajeynaya mashruuca saxda ah ee la jaan qaadi kara hammigiisa iyo mowqifka adag ee Club Brugge.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *