Juventus ayaa diyaar u ah inay dalab 30 milyan euro ah ka gudbiso xiddig ka tirsan Barcelona kaasoo ‘bartilmaameed shaqsi ah’ u ah Igor Tudor Tababaraha Juventus

Juventus ayaa diyaar u ah inay dib ugu soo laabato xiddiga Barcelona Ronald Araujo ka dib markii tababare Igor Tudor uu banaanka keenay xisihiisa ku aadan xidigaan, sida lagu sheegay warbixinta.

Mustaqbalka Araujo ee Barcelona ayaa ahaa mid aan la hubin xilli ciyaareedka oo dhan maadama uuna haatan ahayn xiddig dammaanad qaaday u heysta inuu boos joogta ah ka helayo kooxda. Daafaca dhexe ayaa ciyaaray 25 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore sababo la xiriira dhaawac muruqa ah iyo tartan adag oo booskiisa ah.Araujo ayaa laga yaabaa inuu qayb ka noqdo kooxda kabtanka ee Barca, laakiin tababare Hansi Flick ayaa u muuqda inuu doorbidayo Pau Cubarsi iyo Inigo Martinez daafaca dhexe.

Araujo ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro Juventus intii lagu jiray suuqii jiilaalka. Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda reer Talyaani ay heshiis shaqsi ah la gaartay Araujo waxayna wadahadalo kula jireen Barca heshiis ku kacaya €50million (£43m/$59m).

Si kastaba ha ahaatee, Kahor inta aanu ku qancin agaasimaha ciyaaraha Barca Deco daafaca inuu sii joogo oo uu qalinka ku duugo qandaraas cusub.

Heshiiska cusub ee Araujo ayaa soconaya ilaa Juun 2031 waxaana ku jira €1bn (£852m/$1.2bn) oo lagu burburin karo. Barca ayaa tan ku sameeysa ciyaartoy badan, laakiin dhab ahaantii waxay u furan tahay inay kala xaajooto lacagaha macquulka ah ee suuqa kala iibsiga haddii ay u baahan yihiin inay iibiyaan.

Sida laga soo xigtay Catalan outlet Sport, Juve ayaa dib u soo celisay baacsiga Araujo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *