
Tababaraha kooxda Real Madrid ee Xabi Alonso ayaa doonayay in uu iska tijaabiyo weeraryahan Kylian Mbappé ka hor kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Borussia Dortmund ee ka tirsan wareega 8 dhamaadka koobka kooxaha adduunka.
Waa maxay sheekadu?
Mbappé ayaa seegay 3-dii kulan ee ugu horeeyay Real Madrid koobka kooxaha aduunka kadib markii uu soo wajahay xaalad caafimaad oo aad u daran taaso keentay in uu ka maqnaado tababarka. Naadiga ayaa door biday
door biday in ay go’doomiyaan isaga oo ka baqaya in fayrasku ku faafo wafdiga kooxda ee ku sugan Mareykanka.
Laacibka reer France ayaa badel ku soo laabtay Talaadadii kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Juventus wareega 16-ka, iyadoo uu jiro hubanti la’aan ku aadan inuu ciyaari karo kulanka Dortmund
Imtixaanka Alonso
Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa sheegay in tababaraha reer Spain uu si shaqsi ah u tijaabiyay Mbappé intii lagu jiray tababarkii ugu dambeeyay, isagoo la tababaray isaga laftiisa, ka hor inta uusan markii dambe ka qeyb qaadan ciyaarta rondo ee uu la qaatay Luka Modric.
Tababarka ayaa lagu bartilmaameedsaday ciyaartoydii badalka ku soo galayay ee ciyaarayay daqiiqado ka yar koobka adduunka. David Alaba ma uusan soo xaadirin, maadaama uu seddex isbuuc ka maqnaan doono tababarka kooxda
Tababar la duubay
Marca ayaa warinaysa in Alonso uu si wayn uga qayb qaatay leylinta kubbada cagta isla markaana uu isku dayay in uu Mbappé ka caawiyo in uu kordhiyo awoodiisa kadib markii uu garoomada ka maqnaa dhawr todobaad.
Isbaanishka ayaa dardaaran badan siiyay ciyaartoyda inteeda kale, gaar ahaan sidii loo saxi lahaa boosaskooda, waxaana wax walba lagu duubay diyaarad aan duuliye lahayn oo dul heehaabeysay tababar kasta oo uu sameeyo tababaraha cusub ee Real Madrid maalmihii lasoo dhaafay
Waddada ciwaanka koowaad
Alonso ayaa doonaya inuu koobkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid la qaado tan iyo markii uu xilka kala wareegay Carlo Ancelotti xagaagan, wax walbana waxay ku socdaan si wanaagsan ilaa hadda koobka kooxaha aduunka ee la balaariyay.
Kooxda ayaa barbaro la gashay kooxda Saudi Arabia ee Al-Hilal, iyagoo ka badiyay Pachuca, Salzburg, iyo Juventus, waxayna wareega 8da la ciyaari doonaan Dortmund sabtida soo socota