
Ciyaar uu dhaawac halis ah kasoo gaaray Jamal Musiala, islamarkaana labo casaan ah loo taagay kooxda Faransiiska.
Desire Doue, oo labo gool ka dhaliyay finalkii Champions League ee PSG ay kaga Badisay Inter Milan, ayaa daqiiqadii 78aad kubad joog hoose ah oo cag bidix ah u diray goolka furitaanka Bayern. Inkastoo Willian Pacho iyo Lucas Hernandez casaan loo taagay, hadana Ousmane Dembele ayaa Daqiiqadihii dheeriga ciyaarta ku daray Goolka labaad isagoo ka dhigay In kooxdisa u usoo gudbiyo Wareega xiga kulan eey ku wajihi donaan Real Madrid, taasoo 3-2 ku garaacday Dortmund ciyaar ka dhacday New Jersey. Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta madadaalada laakiin gool la’aanta ah ee ka dhacday magaalada Atlanta,Musiala – oo bilaabay bilaabashadiisii ugu horeysay ee tartanka ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac – ayaa waxaa qabsaday goolhayaha PSG Gianluigi Donnarumma isagoo ceyrsanayay baas dabacsan oo Michael Olise uu ka helay meel u dhow xerada Ganaaxa.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka Musiala ayaa laga Saaray Ciyaarta isagoo ku dhegan canqowga bidix, halka Dayot Upamecano Laga diiday kubad madax ah daqiiqado kadaib markii offside lagu sheegay, Afar daqiiqo ka dib goolkii Doue, PSG ayaa laga saaray daafaca Pacho Kadib Markii uu qalad ku galay Xidiga qadka dhexe ee Bayern Leon Goretzka, halka daafaca garabka Bidix ee Hernandez isna la siiyay Kaar Casaanka ah waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray Waxana uu Qalad ku galay Dafac Bayern Raphael Guerreiro oo uu xusul ku dhuftay.
Kabtanka England Harry Kane ayaa sidoo kale gool uu dhaliyay looga diiday offside uu ku jiray awgiis.
Maxaa xiga kooxahan? PSG waxa ay afar dhamaadka ku wajihi doontaa Real Madrid garoonka MetLife Stadium ee New Jersey Arbacada, July 9, waxa ay bilaaban doontaa 20:00 BST. Bayern ayaa bilaabeysa ololaha xili ciyareedka cusub ee maxaliga ah kulan ay wajihi donan Stuttgart Germany Supercup Sabtida, 16ka Augsto.