UPDSTE:Gibbs-White Oo Tijabada Cafimaad U maraya Spurs

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Nottingham Forest Morgan Gibbs-White ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Tottenham jimcaha ka hor inta uusan dhameystirin heshiis 60 milyan ginni ah. Ilo wareedyo lagu kalsonan karo ayaa BBC Sport u sheegay in 25-sano jirkaan heshiiskisa lagu burburin karo 60 milyan ginni, taasoo Spurs ay qarka u saaran tahay inay Bixiso Iyo dardargelinta Dhameystirka heshikan 24ka saacadood ee soo socda. Gibbs-White, oo afar kulan u saftay England, ayaa xagaagii Hore Mar Lala xiririnayay Manchester City laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa Hoos udhigtay xiisahooda.Waxa uu dhaliyay todobo gool,waxana uu ku daray sideed caawin 34 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore,waxana uu soo jiitay kooxo badan oo ka dhisan England bilihii u dambeeyay,laakin Spurs ayaa dadaal xoogan u gashay saxiixiisa. Gibbs-White ayaa qarka u saaran inuu raaco Anthony Elanga oo ka baxaya garoonka City Ground iyadoo Forest ay ogolaatay iibka 55 milyan ginni ee Newcastle horaantii isbuucaan. Spurs, oo Thomas Frank u magacawday macalinka cusub bishii hore, ayaa sidoo kale qarka u saaran inay 55 milyan ginni kula soo wareegto Mohammed Kudus West Ham, waxaana ay xiiseynayaan weeraryahanka Brentford Yoane Wissa. Gibbs-White waxa uu Forest kaga soo biiray Wolves qiimo rikoor ah oo dhan 25 milyan ginni isagoo u saxiixay heshiis shan sano ah. Waxa uu u saftay 118 kulan muddo saddex sano ah oo uu ku sugnaa Forest, isagoo u dhaliyay 18 gool, Wuxuuna caawiyay 28 kale.Waxa uu u saftay kulankiisii ​​ugu horeysay ee England isagoo bedel ku soo galay ciyaartii Nations League ay kaga badiyeen Republic of Ireland bishii Sebtember ee uu hogaaminayay maamulaha ku meel gaadhka ah ee Lee Carsley, iyadoo kulankiisii ​​ugu dambeeyay uu kursiga keydka ka soo kacay kulankii saaxiibtinimo ee 3-1 ay Senegal ku garaacday Ciyaar ka dhacday garoonka City Ground Studium Kulan Uu hogaminayay tababaraha cusub Ee Thomas Tuchel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *